KALI TALISNIMO CAAFIMAAD: Dalkii ugu horreeyey oo bilaabay qorshe khasab looga dhigayo qaadashada tallaalka Covid-19 & muran ka taagan (Muxuu mudanayaa qofkii diida?)

0

(Paris) 23 Dis 2020 – Muwaadiniinta Faransiiska ee diida tallaalka coronavirus ayaa laga mamnuuci doonaa goobaha iyo gaadiidka dadwaynaha iwm, sida ku cad qorsha muranku ka taagan yahay ee “Green Passport” oo haatan usii socda Baarlamanka.

Qorshahan oo uu taageeray Golaha Wasiirrada RW Jean Castex horraantii todobaadkan, waxaa ku jirta in dadka tallaalka Covid-19 qaadan waaya loo diido inay ku safraan gaadiidka dadwaynaha, safarrada, howlaha qaarna laga hor istaago.

Waxaa xeerkan qabyada ah kasoo horjeestey aadna u cambaareeyey xubnaha mucaaradka, iyadoo uu afhayeenka xisbiga midigta fog ee National Rally party (RN), Sebastien Chenu, uu ku tilmaamay “kali talisnimo caafimaad.” Mada RN ee Marine Le Pen, ayaa iyaduna furka ku xoortay tilaabadan oo ay ku sheegtay mid “nuxur ahaan kali talisnimo ah.”

“In a backhanded way, this bill does not aim to make vaccinations mandatory, but will prevent anybody who doesn’t comply from having a social life.”

Xisbiga midigta dhexe ee Republicans party (LR) ayaa isna dhaleeceeyey hindise sharciyeedkan, iyadoo uu guddoomiye xigeenka, Guillaume Peltier, isagoo ku dooday in aan la “fahmi karin” in madaxdu ay daaqadda ka xoorto xornimada umadda iyadoo aanu baarlamanku go’aan gaarin.

Yeelkeede, xubin ka mid xisbiga MW Emmanuel Macron ee La Republique En Marche party, Amelie de Montchalin, ayaa ku jawaabtey in xeerkani aanu ahayn mid “awood dheeraad ah oo aan caadi ahayn loogu raadinayo dowladda” ama lagu sameeynayo “kali talisnimo caafimaad.”

Shucuubta dunida ayaa ka cabsanaya halista la socon karta tallaalkan lala soo degdegey ee cudurka Covid-19, waxaase cabsida kasii daran in ay u badan tahay in qaadashadiisa khasab laga dhigi doono.

Hadalsame Media