Turkiga oo xushay meesha uu ku dhisayo maraakiib dagaal oo uu u samaynayo dal reer Yurub ah + Sawirro

0

(Istanbul) 23 Dis 2020 – Turkiga ayaa diyaariyey meesha uu ku samaynayo maraakiibta dagaalka ee Corvette-ka ee uu ka iibinayo Ciidanka Badda Ukraine, waana hoosada maraakiibta lagu dhiso ee Okean ee Gobolka Mykolaiv, ee isla Ukraine.

Tillaabadan ayaa daba socota heshiis ay labada dal kala saxiixdeen Oktoobar iyo Diseembat 14, waxaana heshiis is faham ah lala galay shirkadda agabka ciidanka samaysa ee SSB, si ay maraakiibtan ugu samayso Ukrainian Navy.

Shirkadda SSB ee Turkiga ayaa goobtan u xulatay inay maraakiibtan ku samayso kaddib markii ay eegtay goobaha Ukraine ee ay ka heli karto shaqaale xirfadlayaal ah oo howsha ka qayb qaadan kara.

Ukraine oo sidoo kale Turkiga ka iibsanaya dayuuradaha daroonnada (UAVs) from Turkey, ayaa doonaya in ciidankooda badda ku xoojiyaan maraakiibta Turkey ee MILGEM ama corvette-yada loo yaqaan Ada-Class, si ay ugu ilaaliyaan Badaha Black Sea iyo Sea of Azov.

Maraakiibtan Turkigu sameeyo ee Ada-Class ayaa garan kara meesha, nooca kaddibna burburin kara bartilmaameedyada badda gudeheeda iyo dibeddeeda ah.

Maraakiibta MILGEM ee gujis-dilaha ihi waxay leeyihiin tiknolojiyad hormarsan oo ka caawinaysa inay raadaarrada ka dhuuntaan, iyagoo samayn kara sahan, roondo iyo sirdoon dhanka badda ah, ilaalinta xeebaha iyo kaabayaasha, gaar ahaan aagga gaarka ah ee EEZ.

Meesha ay Turkigu u xusheen waa Okean oo ku taalla gobolka Mykolaiv waana hoosada 3-aad ee ugu ballaaran meelaha maraakiibta lagu dhiso ee aaggaasi.

Hadalsame Media