Yurub Geenyo oo xanuunsanaysa & qalliin ay maanta geleyso (Halka laga hayo)

0

(Hargaysa) 22 Dis 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Hargaysa ayaa tibaaxaya in ay xanuunsan tahay fanaanadda caanka ah ee Yurub Geenyo.

Yurub Geenyo oo ka mid ah hobollada sal dhigta magaalada Hargaysa ayay ilo ku dhow dhowi sheegayaan inay ka sheeganayso dhanka xameetida oo ah xubin muhim u ah dheef-shiidka iyo dheefsiga jirka intaba.

Fanaanadda ayaa lagu wadaa inay maanta isla magaalada Hargaysa ku gasho qalliin wax lagaga qabanayo xanuunka haya.

Bahda Hadalsame Media waxay fanaanadda u rajaynayaan caafimaad deg deg ah oo waara.

Hadalsame Media