Guddoonka IGAD oo qaab dhega hadal & qanjiiris ah u xusay faragelinta Kenya ee Somalia (Daawo)

0

(Jabuuti) 22 Dis 2020 – Kulan-madaxeedkii aan caadiga ahayn ee IGAD ee dhowaan lagu soo abyey dalka Jabuuti ayaa lagu eegay arrimo badan oo gobolka ku saabsan min labada Suudaan, legdanka Itoobiya ilaa loollanka Kenya iyo Somalia. Halkan ka DAAWO….

Yeelkeede, ururka IGAD oo ay dalal ay ka mid yihiin Somalia, Suudaan, Eritrea iyo Jabuuti ay wadeen dadaallo ku saabsan isbedello lagu sameeyo sida uu u shaqeeyo kaddib markii loo arkay hay’ad ay ku shaqaystaan Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa ka muuqda woxoogaa isbedel ah oo ugu yaraan weli hadal ah.

Guddoonka IGAD, Dr Cabdalla Xamduuk oo sidoo kale ah RW Suudaan ayaa waloow aanu toos u carrab dhabin labada dal ee Somalia iyo Kenya, misna khudbad uu ka jeedinayey furitaankii shirka si dadban ugu qaniiney Kenya oo haatan ah dalka qura ee faragelin muuqata ku haya Somalia, marka ugu yaraan laga hadlo midda loo wada jeedo.

”Ka Guddoonka IGAD ahaan waxaan carrabka ku adkaynayaa in wada hadalkeennu ku dhisan yahay dabarka wayn ee mabaadii’da IGAD,” ayuu yiri Dr Cabdalla Xamduuk.

”Kuwaasoo ay ka mid yihiin; inay si siman u madax bannaan yihiin dalalka xubnaha ka ah IGAD, inaan la faragelin umuuraha gudeed ee dalalka IGAD, balse sidoo kale in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada xaajood nabdoon, si loo joogteeyo xasilloonida iyo amaanka gobolka.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media