Dalal waawayn oo Kenya ku cadaadinaya inay sida ugu dhaqsaha badan ula hadasho Somalia (DF oo iyadana la canaantay)

0

(Nairobi) 22 Dis 2020 – Dalal waawayn ayaa Kenya ku cadaadinaya inay wada xaajood deg deg ah la furto dhiggeeda Somalia oo dhowaan xiriirka u jartay kaddib markii ay ku eedeeysay faragelin gudeed.

Haddaba xilli ay MW Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, ay ciidamo dhigeen meelo ka mid xadka labada dal, ayaa waxaa arrinta isha ku haya Maraykanka, Britain iyo diblomaasiyiinta Yurub.

Dhinacyadan ayaa Nairobi ku cadaadinaya inuu wada hadal deg deg ah la furo Somalia si loo xalliyo muranka diblomaasiyadeed ee labada dal oo haatan cirka ku shareeran, sida uu qorayo African Intelligence.

Dhanka kale, Wasiir Dibadeedka Somalia, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in kulan-madaxeedkii aan caadiga ahayn ee 38-aad ee dalalka IGAD uu Somalia ku canaantay xiriirka ay degdegta ku jartay, iyagoo ka dalbaday in xiisadda la qaboojiyo wada hadalna laga galo waxa la isku hayo.

“Madaxda IGAD waxay na saareen cadaadis fara badan si muranka diblomaasiyadeed loogu xalliyo ururka dhexdiisa, si xiisadda loo dejiyo anaguna waxaan ku xujeyney in la saaro guddi eega cabashadeenna ooo ay ka mid tahay Kenya oo malliishiyaad ku hubaynaysa gudaha Somalia.” ayuu yiri WAD Somalia.

Hadalsame Media