Turkiga oo basas casri ah oo ku shaqaynaya gaas la cadaadiyey ka iibiyey dal Muslim ah + Sawirro

0

(Ankara) 22 Dis 2020 – Sharikadda Turkiga ah ee BMC, oo ah midda ugu ballaaran dalkaa ee soo saarta gaadiidka rayid iyo ciidanba kuwaasoo ay ku jiraan kuwii dhowaan la siiyey Somalia, ayaa Azerbaijan ka iibinaysa basas casri kaddib markii ay heshiis la gashay Wakaaladda Gaadiidka Baku Transport Agency (BNA).

Heshiiska oo la saxiixay intii lagu jirey booqashadii uu dhowaan Baku ku tegey MW Recep Tayyip Erdoğan oo ay Ankara iyo dalkan Caspian-ka dhaca heshiisyo badan ku kala saxiixdeen ayaa shigaya in BMC ay Baku u daabusho 320 bas oo ah kuwa ku shaqeeya gaaska dabiiciga ah ee la cadaadiyey (CNG) marka la gaaro 2021, sida ay qortay Anadolu Agency (AA).

Wefdi ballaaran oo ka socda Wakaaladda BNA ayaa booqday wershadaha BMC ee ku yaalla xaafadda Pınarbaşı ee gobolka galbeedka Turkey ee Izmir, si ay u eegaan basaska ay iibsadeen.

Basaska BMC, oo Yurub ka helay abaalmarinta ”Naqshadda Ugu Wanaagsan”, ayaa ah kuwo ku qalabaysan tiknolojiyad casri ah, amaan iyo raaxo siinaya darawalka iyo rakaabka, isla markaana bay’ada u wanaagsan maadaama aanay sii daynaynin diqow badan, shidaalka ay adeegsanayaan oo ah gaas dabiici ah oo cadaadsan dartii.

Basaska BMC kuma cusba gaadiidka dadwaynaha ee Azerbaijan oo muddo haatan adeegsanayey, balse kuwani waa casri.

Hadalsame Media