Nin ku eedaysan inuu baasaboor ku qaadanayey ”warqad ka timid” Aadan Barre Ducaale oo lagu dheggan yahay!

0

(Nairobi) 22 Dis 2020 – Nin Soomaali ah ayaa shalay maxkamad lagu soo taagey magaalada Nairobi kaasoo ku eedaysan inuu qoray warqad been abuur ah oo uu sheegay inuu soo qoray Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo Gaarisa laga soo doorto si uu ugu helo Baasaboorka Kenya.

Ninkan oo la yiraahdo Xasan Cismaan Daaxi ayaa beeniyey laba eedood oo ku saabsan in uu macmalay caddaymo been abuur ah oo baasaboor lagu qaadanayey isagoo weliba taa ogaa, isagoo kasoo hor muuqday Garsoorka Milimani ee Martha Mutuku.

Ninka ayaa la sheegay inuu dembigan loo haysto ku kacay 4-tii Diseembar isagoo tegey Waaxda Socdaalka Kenya ee Nyayo House oo ku yaalla Posta Road magaalada Nairobi.

Mutuku ayaa amray in Daaxi lagu sii daayi damaanad amaah ah oo gaaraysa Sh200,000 ama Sh100,000 haddii uu kaash u bixinayo.

Isla maxkamadda, waxaa ganacsadahan Soomaaliga ah ee reer Nairobi sidoo kale loo haystaa inuu amaah Sh600,000 oo shilin ah ka daynsadey sharikad maaliyadeed oo la yiraahdo Deely Capital Limited, isagoo sita dokumentiyo iyo hayb aan sax ahayn.

Wuxuu dembigaa lagu eedaynayo ku kacay 13-kii Sebtembar, 2019-kii, isagoo tegey dhismaha Uniafric House ee Nairobi. Waxaa dacwadda la muddeeyey 6-da Jannaayo.

Hadalsame Media