Sucuudiga iyo Imaaraadka oo jabsaday telefoonnada weriyeyaasha Al Jazeera (Israel oo ka caawisay & shirkadda Apple oo ku ceebaysan)

0

(Toronto) 22 Dis 2020 – Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa u dhacay telefoonnada gacanta ee dhowr weriye oo Carbeed iyagoo adeegsanaya barnaamij (software) ay samaysay sharikad Israeli ah oo la yiraahdo NSO Group, sida ku cad warbixin ay sii daysey Canadian Citizen Lab.

Citizen Lab, oo ka tirsan Jaamacadda Toronto University, ayaa sheegtay in barnaamijka Pegasus Spyware loo adeegsadey in lagu jabsado telefoonnada 36 qofood oo iskugu jira weriyeyaal ka kooban soo saarayaal, war akhriyaal iyo agaasimeyaal ka shaqeeya Al Jazeera

Waxaa sidoo kale loo dhacay telefoonka weriye London ku sugan oo ka tirsan hilinka Al Araby TV. Waxaa jabsi wadareedkani dhacay bilihii Luulyo iyo Agoosto iyadoo laga faa’iidaysanayo gujinta iMessage loogu yeero Kismet.

Waxaa ay cilmi baaristu muujinaysaa in telefoonnada la jabsaday ay wada yihiin iPhones kuwaasoo ku shaqeeya barnaamij howleedka Apple ee iOS 14, kaasoo loo arkay mid u nugul jabsigan.

Waxaa xilligii jabsiga la adeegsadey afar sharikadood oo ku shaqeeya barnaamijka Pegasus oo ay ka mid yihiin midda Sucuudiga ee Monarchy iyo tan Imaaraadka ee Sneaky Kestrel.

Waxaa kale oo kaabayaasha danabeed ee la adeegsadey ka mid ah server-rro yaalla Jarmanka, France, Italy iyo UK iyadoo la adeegsanayo barnaamijyada Aruba, Choopa, CloudSigma iyo DigitalOcean, sida warbixinta ku cad.

Dhanka kale, bishii Jannaayo, The Guardian ayaa qoray in badrooniga  Amazon ee Jeff Bezos telkiisa la jabsaday 2018-kii kaddib markii uu farriin gaar ah dhanka WhatsApp uga helay telefoonka dhaxal-sugaha Sucuudiga, Mohammed bin Salman, iyadoo xog badan lagala baxay telkiisa.

Apple ayaa umuurtan ka war heshay ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso weji gabaxan lasoo gudboonaadey.

Hadalsame Media