”Aabahay adigaa diley!” – Ilhaan Cumar oo Donald Trump eed cusub u haysata

0

(Washington, DC) 20 Dis 2020 – Ilhaan Cumar ayaa Donald Trump ku eedaysay geerida aabeheed oo sida ay tiri eersaday “dayacaaadda dembiga ah” ee uu u gaystey isaga iyo dadka kale ee u dhintay cudurka COVID-19, mar ay waraysi siisey MSNBC.

“Aabahay iyo in ka badan 300,000 oo qof ayaa u geeriyoodey dayacaadda Trump iyo maamulkiisa, kuwaasoo la badbaadin kari lahaa haddii ay jiraan madax dadka dan ka leh oo daryeelaysa,” ayay tiri Ilhaan.

”Madaxwaynuhu ilaa maanta la joogo ma muujinin wax dareen ah oo uu u qabo dadka geeriyoodey, mana qirin xanuunka ay dareemayaan dad badan oo naga mid ah.” ayay raacisay.

Waxay sheegtay in Jim Clyburn oo ka tirsan Aqalka Wakiilladu uu hayo cadaymo muujinaya in maamulka Trump uu farageliyey sida ay hay’adda ka hortagga cudurrada iyo xakamayntooda (CDC) ula macaamishay cudurkan, sida uu werinayo The Independent.

Waxaa soo jeedisey in la baaro kaddibna la dacweeyo ciddii mas’uuliyad ku yeelata arrintan.

Waxaa muuqaalka waraysiga Ilhaan tweet gareeyey Madaxa Istaraatijiyadda iyo Warfaafinta ee Koongarayska, Jeremy Slevin.

Hadalsame Media