Shirka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti (Qorshaha Somalia)

0

(Jabuuti) 20 Dis 2020 – Waxaa maanta lagu wadaa in uu dalka Jabuuti ka furmo shir-madaxeedka dalaka IGAD, waxaana ka qayb gelaya MW Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay halkaa u dhoofay.

Waxaa kulan madaxeedkan lagu gorfayn doonaa umuuraha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee gobolka, gaar ahaan muranka diblomaasiyadeed ee dalalka Somalia iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigraay iyo dagaalka ay Itoobiya ku qaadday kooxda TPLF, saamaynta durayga dilaaga ah ee Covid 19 iyo ayaxa ku dhuftay dalalka IGAD.

Somalia oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisey IGAD iyo Kenya oo iyaduna dacwad kale uga jawaabtey, ayaa waxaa lagu wadaa in MW Somalia uu shirka ka jeediyo khudbad taabanaysa waxa la isku hayo iyo faragelinta Kenya oo adeegsanaysa siyaasiyiin Soomaali ah, si Kenya loo saaro cadaadis diblomaasi.

Waxaa lagu wadaa in kulanka kaddib halkaa laga soo saarayo War Murtiyeed rasmi ah, balse ma cadda waxgalnimada IGAD oo sanadihii uu jirey inta badan ahaa hay’ad ay daneheeda ku raacato Itoobiya, iyo Kenya oo markii dambe kula soo biirtay, waloow haatan woxoogaa dib loo yara habeeyey.

Hadalsame Media