”Kusoo qaata khudbooyinka Jimcaha!” – Sucuudiga oo masaajidda ka cayriyey culimada firqo gaar ah & waxa uu ku haysto

0

(Riyaad) 20 Dis 2020 – Sucuudiga ayaa masaajiddii iyo howlihii ay hayeen ka eryey ilaa 100 Imaam iyo waacidiin masaajidda ka wacdin jirey, gaar ahaan magaalooyinka  Makkah iyo Al-Qassim kaddib markii ay diideen inay cambaareeyaan kooxda Ikhwaanul Muslimiinka, sida uu qorayo Al-Watan.

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Hanuunka Sucuudiga ayaa soo saartay amar ay imaamyada iyo wacdiyaasha kaga dalbanayso inay cambaareeyaan Ikhwaanul Muslimiinka oo ay ku eedeeyaan inay iyagu yihiin kuwa umadda kala qaybinaya.

Gaar ahaan bishii tagtay, waxaa culimada la faray inay arrintan kusoo qaataan wacdiga khudbooyinka Jimacaha saf mar ah iyadoo ay Dowladdu kooxdaa u aqoonsatay mid ”argagixiso ah” 2014.

Yeelkeede, culimada qaar badan oo ka tirsan ayaa arrintaa ka baaqsaday.

Sucuudiga ayaa kooxda Ikhwaanka gabbaad siiyey 1950-meeyadii oo ay ciqaab dara, dil iyo xabsi ka wajahayeen nidaamkii Masar, ha yeeshee, waxay kooxda oo Sucuudiga saamayn wayn ku yeelataya isku dheceen markii ay kooxdu cambaaraysay duullaankii Maraykanka ee Ciraaq 1990-kii iyo 2003-dii iyo joogitaankooda Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa xitaa 2013 taageero maaliyadeed siiyey Abdel Fattah Al-Sisi oo markaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga si uu u afembiyo MW Mohamed Morsi oo kasoo jeeda kooxda Ikhwaanka.

Hadalsame Media