Booliiska Australia oo bartamaha jid wayn ku toogtey wiil Soomaali ah & dood ka taagan

0

(Queensland) 18 Dis 2020 – Booliiska Australia ayaa toogtey oo diley nin Soomaali ah oo ku qaaday weerar hanjabaad ah oo “af iyo addin ah,” xilli uu qarreenka wiilku ku doodayo in madaxa looga jirey.

Raage Maxamed Cabdi, 22-jir, ayaa ku hubaysnaa “toorreey” markii uu jid wayn ku dhex toogtey sarkaal booliis ah shalayto, sida uu werinayo ABC News.

Booliiska ayaa ku dooday in “ninkan ay horay ugu hayeen dabagal dhanka argagixisad ah,” balse qarreenka wiilka dhintay ayaa booliiska ku eedeeyey inay u qiil deyayaan dilka ay gaysteen.”

Booliiska ayaa Cabdi u cid diray kaddib markii ay farriin ka heleen nin socdey jidka dhiniciisa, sida ay sheegayso Tracy Linford, oo ah Taliye Xigeenka Booliiska Queensland Police.

Waxay intaa raacisay in wiilka la toogtey uu markiiba middi iska soo jaray markii ay Booliisku usoo dhowaadeen, iyagoo deeto ku “khasbanaaday inay si xun u toogtaan”, taasoo uu u dhintay, sida ay sheegtay.

Ha yeeshee, Terry O’Gorman, oo ah qarreenka Cabdi ayaa sheegay in wiilka dhallinyarada ihi uu “la tacaalayey diiqad iyo cudurro dhanka dhimirka.”

Booliiska Federaalka ayay qoyska Cabdi ku eedaynayaan inay si gaar ah u daba dhigteen iyagoo mar garoonka kula dhegganaa 18 saacadood isagoo kaliya u socdey Somalia, iyagoo ku eedaynaya inuu Daacish taageersan yahay.

Markale waxay ku eedeeyeen inuu diidey inuu booliiska la shaqeeyo kaddib markii uu diidey furaha (password) telefoonkiisa gaarka ah.

Hadalsame Media