”Haddii aan annagu sumaynay waaba dili lahayn!” – Putin oo siyaasi mucaarad ah ku eedeeyey inuu yahay ”jaajuus Maraykan” (Daawo)

0

(Moscow) 18 Dis 2020 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa ku dooday in siyaasiga mucaaradka ah ee Alexey Navalny uu la shaqeeyo Sirdoonka Maraykanka, isagoo sidoo kale dafiray inay bishii Agoosto sumeeyeen hay’aadka Ruushku.

Putin ayaa ku dooday in haddii ay hay’aadka amaanka Ruushku ay dooni lahaayeen inay khaarajiyaan siyaasigan ay “howsha dhamaystiri lahaayeen.” Isagoo tilmaamay in FSB ay xaq u lahaayeen inay dabagal ku sameeyaan Navalny oo laga shakiyey.

Horraantii todobaadkan, CNN iyo Der Spiegel, ayaa isku raacay in Navalny la sumeeyey, iyagoo madaxda sare ee Ruushanka oo uu Putin ugu horreeyo ku eedeeyey inay arrintaa ka war hayeen, balse Putin ayaa sheegay inuu ninkani la shaqaynayey Sirdoonka Maraykanka oo qalab usoo dhiibey.

SIDEE WAX U DHACEEN? Navalny ayaa soo dhacay Agoosto 20, isagoo kasoo duulay magaalada Siberia ku taalla ee Tomsk una socdey Moscow. Dayuuraddii ayaa deg deg deeto loogu dejiyey magaalada Omsk, iyadoo la dhigay isbitaal isagoo miir gaboolan. Kaddib codsi ka yimid qoyskiisa waxaa loo ogolaaday in Berlin loo qaado.

Waxaana la dhigay Isbitaalka Charité Clinic kuwaasoo sheegay in ninkan lagu sumeeyey Novichok, iyadoo isbitaalka laga saaray 23-kii Sebtembar.

Putin oo ah kalitaliye aan jixinjixin ayaa keenay qiil macquul ah isagoo sheegay in haddii ay iyagu sumeeyeen uusan baxsan lahayn, isla markaana aanay u fasaxeen in Berlin lagu soo daweeyo.

Hadalsame Media