”Somalia derbiga ayaa lagu geeyey!” – Siyaasi ka mid ah madaxda Kenya soo martay oo aad u dhaliilay siyaasadda ay Kenya ku wajahayso Somalia (Daawo)

0

(Nairobi) 15 Dis 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin oo xilal sare kasoo qabtay Kenya ayaa aad u dhaliilay hab-dhaqanka Kenya ee ku aaddan Somalia oo haatan ugu dambayn xiriirka u jartay.

Faarax Macallin oo u warramay hilinka KTN News, gaar ahaan Barnaamijka Botomline Africa ee dalkaasi Kenya ayaa sheegay in Kenya ay haatan ku howllan tahay faragelin qaawan oo ay ku hayso Somalia oo marar badan ugu dulqaadatay arrimo badan sida in dadka Soomaalida ah oo fiisaha lagu dhibo halka kuwa Kenyan-ku ay imaanshaha ku qaataan marka ay Somalia ka degaan, meelo badanna ayba fiise la’aan ku tagaan.

”Waxaan gaarney heer ay siyaasiyiinta qaarkood ay kasoo baxaan shirarka Somalia kaddibna ay Nairobi yimaadaan, si ay ula hadlaan madaxda Nairobi,” ayuu yiri Faarax Macallin oo sidoo kale sheegay in haatan ay Kenya martigelinayso Somaliland oo aanu jirin dal aqoonsan ilaa haatan.

Wuxuu sheegay in maadaama aan Somaliland la aqoonsanayn ay ku filan tahay in hawada laga soo celiyo dayuuradaha Kenya oo kaddibna lala tiigsado ururrada caalamiga ah, taasoo Kenya u sawiraysa sidii dal qaswade ah oo ku xadgudbaya xeerarka caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in Kenya ay ahayd inaysan taabanin Soomaalida oo maalgelin ballaaran ku leh Kenya taasoo ay haatan qaar badani uga wareegeen Turkiga, wuxuuna tilmaamay in Somalia derbiga lagu geeyey oo ay wax badani ka khaldan yihiin siyaasadda dibadeed ee Kenya ku wajahayso Somalia.

Wuxuu intaa raaciyey in Kenya ay sidoo kale isu qoonsatay aragtidii ay Soomaalidu markii hore ka qabeen Kenya sida inaysan u qabi jirin aragti la mid ah midda Itoobiyaanka oo ay Soomaalidu la galeen dagaallo qarniyo soo jirey.

Hadalsame Media