QANIINYO ILKO LA’AAN AH: Laba xaaladood oo bilaa xiise ka dhigaysa xiriirka xalay loo jaray Kenya

0

(Nairobi) 15 Dis 2020 – DF Somalia ayaa xalay saq dhexe sheegtay inay xiriirkii u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedaynayso faragelin dhanka doorashooyinka Somalia ah.

Marka laga yimaado xilliga lagu soo beegay tillaabooyinka laga qaadayo Kenya iyo danaha siyaasadeed ee ku hoos jiri kara oo ay dad badani u arkaan kuwo aan xilligan habboonayn, misna waxaa jira 2 sababood oo aysan u af badnaan doonin tillaabooyinkani si ay Kenya ugu yeeshaan saamaynta laga doonayo.

1 – Somalia oo aan lahayn siyaasad gudeed oo midaysan. Dalka Somalia oo burbur kasoo kabanaya ayaa waxaa ka jira nidaamyo lagu sheego ”maamul-goboleedyo”, kuwaasoo inta badan danaha gaarka ah ee madaxda kala xukumaysa ka eegta midda guud.

Sidoo kale, dalku ma laha mucaarad iyo axsaab siyaasadeed oo hoos u qodan ama bisil oo garan kara in wax kasta oo la isku hayo loo midoobo danaha qaranka. Waxaan sidoo ceeb ka saliim ahayn madaxda xilka haysa oo laftoodu dano gaar ah cayrsada, taasi waxay Somalia ka dhigaysaa dal u nugul faragelinta ayna adag tahay in uu yeesho hal furun oo caalami ah oo uu ka dagaallamo. Dal aan lahayn siyaasad urursan oo maxalli ah ma yeelan karo mid milge leh oo caalami ah.

2 – Somalia ma laha Ciidan Dhexe oo xirfadleey ah oo ku filan sugitaanka amaanka gudaha iyo midka dibedda, waxaana ciidamada gudaha dalka ka howlgala ka mid ah kuwa dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya, taasi waxay meesha ka saaraysaa inay Somalia qaaddo tillaabo ciidan oo micne leh.

Waxaa sidoo kale xun mooraalka kuwa yar ee jira. Qaar badan oo siyaasiyiinta ka tirsan laftoodu waxay ciidamada kula hadlaan kelmado aan ku habboonayn sida ”jabhad, ciidan qabiil, iwm”, taasoo sii xumaysa sumcadda iyo kalsoonida Ciidanka yar ee haatan dhismaha lagu wado, iyadoo waloow la ogyahay in ciidanka mararka qaar si xun loo adeegsan karo aanay misna sax ahayn in ciidanka la maago, taa biddaalkeeda waa in la eedeeyaa qofka adeegsadey.

Hadalsame Media