“Waxaan ka war sugaynaa Nairobi” – Saraakiisha Mandheera oo sheegay inay kaadka usoo galeen Ciidanka Somalia

0
Somalia National Army soldiers at Bulahawa town on May 11, 2016. They recovered weapons of massive destruction from Alshabaab insurgents destined for Mandera and Bulahawa. PHOTO/MANASE OTSIALO.

(Mandheera) 15 Dis 2020 – Saacado yar uun kaddib markii ay Somalia ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka Kenya ayaa waxaa ciidamo ka tirsan Xoogga lagu arkayaa “xadka” labada dal, gaar ahaan dhanka BP3.

Sida uu qorayo Daily Nation, Degmada Mandera County, oo aad dhanka maciishadda ugu tiirsan Muqdisho in ka badan Nairobi, marka la eego masaafada ay isu jiraan, ayay dadwaynuhu soo sheegayaan inay arkayaan Ciidamada SNA oo halkaa aag ka gelaya, sida uu sheegay Cali Cabdulle oo degaanka oo cabsi dareemaya ka mid ah.

Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Kenya oo aaggaa jooga oo magacooda qariyey ayaa iyaguna sheegay in ay arkeen Ciidanka SNA, iyagoo tilmaamay inay ka war dhowrayaan Nairobi.

DF Somalia ayaa war ay xalay xilli dambe marsiisay Wasaaradda Warfaafinta ku sheegtay inay xiriirkii u jartay dhiggeeda Kenya.

Hadalsame Media