MW Shiinaha oo ballan qaaday inuu Somalia ku darayo Hindisaha Jidka & Suunka (BRI)

0

(Beijing) 15 Dis 2020 – MW Shiinaha ee Xi Jinping ayaa sheegay inuu Somalia kala shaqaynayo xoojinta iskaashiga labada dal oo hoos u dhacay xilliyadii burburka.

Md Jinping ayaa tixraacayey hindisaha caalamiga ah ee Shiinaha ee Suunka iyo Jidka (Belt and Road Initiative (BRI)), kaasoo uu sheegay inay ka wada macaashi karaan labada dal.

MW Shiinaha oo ka mid ah dalalka xiriirka qadiimiga ahaa la lahaa Somalia ayuu warkiisu kusoo beegmay 60-guuradii kasoo wareegtey markii la abuuray xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Shiinaha ayaa ah cudud dhaqaale iyo mid ciidan oo soo baxaysa, waloow madaxda Afrikaanka ah lagu dhaliilay inay yar yihiin inta uga faa’iidaysatey danaha qarankooda, balse ay in badani balaayiin qaan ah geliyeen dalalkooda, taasoo keentay in lagala wareego garoomo iyo dekedo, waana mid ay tahay in ay ka fikirto Somalia, oo ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee aan lagu lahayn qaan Shiinays oo badan.

Hadalsame Media