Aan kala saarno waxa Farmaajo lagu dhaliilsan yahay & inuu yahay MW Somalia (Isagana mid baa laga doonayaa)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2020 – Marka aad eegto qaabka ay u jilan tahay siyaasadda Soomaalidu waxay inta badan ka dilan tahay dhanka moowduuciyadda, gobannimada, fan-hadalka (rhetoric) iyo is waafaqsanaanta ra’yiyada lasoo bandhigayo.

Waxaa sidoo kale ka maqan sida adiga oo wax dhaliilsan aad misna wax u xeerin karto, adiga oo aan geedka oo dhan u goynaynin LAAN QADI ah oo aad ka doonayso, ama aan u daynayn, balse qiimaynaya geedka oo ka wayn laanta qadiga ah.

Waa qofkii fahamsan waxa uu qadi yahay iyo halka uu ka boxo. Sida ay muhim u tahay in geedka loo dhimriyo si qadigu dib ugu fufo xitaa marka la daaqo kaddib.

Hadda waxaa taagan xiisad ay dad badani qabaan in loo oogey dano siyaasadeed in ka badan dan qaran, balse taas micneheedu ma aha inaysan dan qaran ku dhex jirin: Waa xiriirka loo jaray Kenya.

Waxaa jirta murti Ingiriisi ah oo uu nuxurkeedu yahay ”inay soo daahdo ayaa ka roon inay ragaaddo” (better late than never). Sidaa darteed waxaa wanaagsan in waloow uu dhib ku jiri karo ay misna sax tahay in Kenya la dareensiiyo inay farataysi iyo faduul ku hayso qarannimada Somalia oo ay haatan tahay dalka qura ee faragelin qaawan ka wada marka gobolka Geeska oo idil la eego.

Waxaa intaa dheer, in marka aad Dowlad doorato aad siisay sharciyad (mandate) ay ku xukunto siyaasadda gudaha iyo tan dibedda, sidaa darteed, in tillaabo kasta oo ay dowladdu qaaddo laga soo horjeesto, mucaaradnimo uun darteed, istaraatijiyad bisil oo qoto dheer ma aha, sidaa darteed, waa inaan ognahay in qofka DF madaxda ka ihi uu xambaarsan yahay xilkii umadda oo uu mudan yahay in lagu xurmeeyo.

Dabcan isna waxaa saaran waajib ah inuu gobannimo dhaqaaqo, dhawaaqo, dhimriyo oo xilkiisa kasoo dhalaalo isaga oo dalka iyo dadkaba u turaya oo aan dheel siyaasadeed oo shakhsi ah ka dhex eegaynin tillaabada uu qaadayo, kuma se jirto haddii ay tillaabadaa ku dhex jirto dheel siyaasadeed oo dalka u dan ah.

Waxaa kale oo khalad ah in DF oo ah hay’ad dalka ka mas’uul ah, ugu yaraan sharci ahaan, sheekadeeda oo dhan lagu soo koobo inay tahay shirkad qof leeyahay. Ma aha inuu mucaaradku u arko shirkad uu Farmaajo leeyahay, sidoo kale Farmaajo laftiisa waxaa looga fadhiyaa inuu sidaa u fahmo oo ogaado inuu maamulayo dan umadeed.

Waxaa laga rabaa in uu si qoto dheer u dhuuxo in aanu uga sii darin wixii uusan hagaajin karin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media