”Aan Somaliland & Jubbaland jamhuuriyado u aqoonsanno, ma arki karno Somalia midaysan” – Dadka Kenyan-ka ah oo ka falceliyey tillaabada DF Somalia

0

(Nairobi) 15 Dis 2020 – DF Somalia ayaa sheegtay inay si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Kenya, iyadoo usoo jeedisey inay 7 maalmood dalka uga saaraan diblomaasiyiintooda.

DF ayaa ku doodaysa inay Kenya faragelin ba’an ku hayso arrimaha gudaha Somalia, gaar ahaan doorashada madaxtinnimada dalka oo uu muran badani ka joogo.

Haddaba, sidee ayay Kenyan-ku uga falceliyeen tillaabadan ay qaadday DF Somalia?

”Aan Somaliland & Jubbaland jamhuuriyado u aqoonsanno, ma arki karno Somalia midaysan.” ayuu midkood soo jeediyey.

”Hadda halkee siyaasiyiinta Somalia ku noolaan doonaan?” ayuu mid is waydiiyey.

”Xiriirka halla wanaajiyo oo kalsoonida dib halloo dhiso, reer Galbeedku tan oo kale ayay doonayaan. Waa nasiib xumo in go’aamada Somalia ay reer Galbeedku qaabeeyaan. MW Ahuru ha quusanin.” ayuu soo jeediyey mid aragti qunyar socod ah leh.

”Kenyatta wuxuu xumeeyey xiriirka dhamaan dalalka deriska la ah Kenya; awal Tanzania haddana Somalia.” ayuu mid kale soo qoray.

”Halkee amarkan laga soo saaray? Waxaan rajaynayaa inaysan Eastleigh ahayn?” ayuu mid kale is waydiiyey.

”Somalia waxay Kenya u baahan tahay inta ay Kenya u baahan tahay Somalia, marka bilaa micne ayay u qaylinayaan.” ayuu yiri.

”Kalluun yari waa inuu had iyo goor ogyahay inuu yahay kalluun yar.” ayuu mid ku dooday.

”Waa markii aan annaguna cayrin lahayn Soomaalida ku nool Kenya oo ay madaxdoodu ugu horreeyaan. MW waa inaad tillaabo qaaddaa.” ayuu mid kale ku baaqay.

”Ninka go’aankaa soo saaray wuxuu nala joogaa Nairobi ee xitaa Muqdisho ma joogo. Cadowgu waa nagu dhex jiraa.” ayuu yiri mid far fiiqaya oo moodaya inay DF Islii deggan tahay.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments