GUNUUNICII GABAYGA: Iiraan oo meel xun ka taabatay Turkiga oo isna soo jawaabey (Labada dal oo u kala yeerey Danjirayaasha kala fadhiya)

0

(Ankara) 12 Dis 2020 – Ankara ayaa ka carootey wax ay ku sheegtay ”moowqifka weerarka ah” ee ay Iiraan ka qaadatay gabay uu tiriyey MW Recep Tayyip Erdoğan oo ka hadlayey Baku, sida uu sheegay Maareeyaha Warfaafinta, Fahrettin Altun oo sheegay in khalad loo fasiray gabayga.

Wuxuu sheegay in faafinta khariidaddii qadiimiga ahayd ee Iiraan ee xilligii Boqortooyadii Safavid Empire (1501-1722) ee Wasiirka Warfaafinta Tehraan, Mohammad-Javad Azari Jahromi, ay kicisay nacayb loo qaaday Turkiga, xilli la doonayo in gobolka nabad lagu soo dabbaalo, sida uu yiri Altun.

“Uma dulqaadanayno sheegashada dhul madax bannaan oo ay Turki leedahay ama dal kaleba.” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay Turkiga oo tixraacaya in maabka qadiimiga ah ay ku jiraan gobollo haatan ka tirsan oo ay horay u xukumi jirtey Beershiya.

Altun ayaa Iiraan xusuusiyey in Turki ay hiillo u muujiso Iiraan tiiyoo ay cadaadis caalami ah taa kula kulanto, isagoo u jeediyey inay dhowraan taariikhaha la wadaago si loo dhiso ajende togan oo nabdoon, halkii ay cadaawad ka biirin lahaayeen.

Dhanka kale, Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa shalay u yeertey Danjiraha Iiraan ee Ankara kaddib markii ay Tehraan iyaduna u yeertey Danjiraha Turkey u fadhiya Iiraan, markii uu Wasiir Dibadeedka Iiraan, Mohammad Javad Zarif, uu gabayga Erdoğan ku tilmaamay mid ku tumanaya madax bannaanida gayi ee dalkiisa.

Erdoğan ayaa gabaygan ka akhriyey caasimadda Azerbaijan ee Baku oo xusaysey guushii ay kusoo ceshatey Nagorno-Karabakh oo 30 sano ay haysatey Armenia.

 

Hadalsame Media