”Waa laaluush lala bareerayo!” – Musuqa ka jira xafiisyada hay’aadka Dowladeed ee Muqdisho oo faraha kasii baxaya!

0

(Muqdisho) 12 Dis 2020 – Baasaboor ayaan la samaynayay qof qaraabadayda ah oo aan magaalada sidaas u sii kala aqoon. Berigii iigu dambaysay Waaxda Dad-dhigista iyo Waaxda Dembi-baarista waxaa lagu hormari jiray hadba midda aad rabtid, balse hadda waxaa qasab laga dhigay in howsha aad ka soo bilowdid Waaxda Dad-dhigista ama sida ay dadka Muqdisho dhahaan Gobalka.

Toban iyo shan Doollar ayaa lagu sameeyaa warqadda dhalashada, balse fadhigaada ayaa laguugu waydiinaa in aad maalin kale u soo laabanee iyo in aad isla maanta qaadatid oo aad lacagta ku dartid toban doollar oo dheeri ah.

Dadku badanaa tan dambe ayay doortaan maadaama uu musuq badani jiro oo aadan hubin in maalinka dambe aad warqaddaadii heli doontid. Dembi-baarista ama C.I.D iyaduna waa la mid oo tobankaas Doollar ee dheeriga ah baa layska sii hormariyaa.

Baasaboorka isaga lacagta sharciga ah waa 108 Doollar, balse tan layaabka leh oo ay meelaha kale uga duwan yihiin waa in si cad ay derbiga ugu qoran tahay lacagta fududeynta oo qofkii hal maalin baasaboorka ku raba waa inuu bixiyaa 150 Doollar oo dheeri ah, qofkii laba maalmood ku rabana waa 100 dheeri ah. Lacagtaas akoonka Wasaaradda Maaliyadda ayay toos ugu dhici doontaa. 108-dii doollar ee sharciga ahayd way ka madax bannaantahay lacagtaan.

Waxyaabaha kale ee kaa yaabinaya waa in baasaboorka uu la socdo kaar yar oo ay ku sheegeen in uu yahay kaarkii dhalashada ee caddeynayay in qofkani uu Soomaali yahay, balse kaarkaasi wuxuu dhici doonaa shan sano kadib. Marka Soomaalinimadaadii halkaas bay ku dhacaysaa oo shan sano kadib adigoo Burundi iyo Ugaandhees wax aad tahay aanan la garanayn ayaad safka gadaal ka soo geli doontaa.

Waxaa kaloo iyadana iswaydiin u baahan warqadda dhalashada laguuma soo celinayo oo midda Original-ka ama asalka ah ayay qaadanayaan, isla subaxa xiga haddaad u baahatid leesin ama uu banki kugu xujeeyo ama si kale aad ugu baahatid warqad dhalasho waa in aad mar kale Gobolkii aad ka soogoosatid adigoo isla lacagtii bixinaya mar kale.

Xamar waa iska jaamacad aad subaxba cashar qaadanayso.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi, oo sida uu sheegay dhacdada la kulmay

Hadalsame Media