Kulankii Khayrre & Wasiir Dibadeedka Ruushka oo jawaabo kala duwan laga bixiyey

0

(Hadalsame) 12 Dis 2020 – RW hore ee dalka, Xasan Cali Khayrre, ayaa kulan la qaatay Wasiir Dibadeedka Ruushanka ee Sergei Lavrov oo ay ku kulmeen Moscow wax loo arkay booqasho naadir ah oo uu hoggaankan Soomaaliyeed dibedda ku tegey kahor doorashada muranku ka joogo ee Febraayo.

”Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socda” ayuu Khayrre soo dhigay baraha bulshada.

“Intii uu kulanku socdey waxaannu is dhaafsannay aragtiyo ku saabsan xoojinta xiriirka Ruushka iyo Somalia sida dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha oo u wada dan ah labada dal,” ayay WAD Ruushku soo dhigay Facebook.

Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay booqashada Khayrre oo ay qaarkood ku tilmaameen mid kedis ah, iyadoo ay qaarba meel ku dhufteen.

“Tan waxaa loo arki karaa faragelin uu xiriirka Ruushku ku sameeynayo madax bannaanida Somalia,” ayuu Facebook ku qoray Abdul Ali.

Yeelkeede, qaar kale ayaa aaminsan in Khayrre uu xaq u leeyahay inuu ka faa’iidaysto shabakaddiisa caalamiga ah iyo saaxiibbada siyaasadeed ee uu ku leeyahay xayndaabyada diblomaasiyadda, gaar ahaan awoodaha soo baxaya sida Ruushka oo soo laba kaclaynaya iyo Shiinaha.

”Soo celinta jaalnimadii caalamiga ahayd ee Somalia waxay asaas u tahay siyaasadda dibedda ee Khayrre.” ayuu yiri Muhammad Larm oo Twitter-ka isticmaala.

Khayrre, ayaa Wasiirka Koowaad ee Somalia ahaa min Febraayo 2017 ilaa Luulyo 2020, markaasoo ay Baarlamanku ku tuureen mooshin uu muran badani ka dhashay oo sharci darro ahaa.

Hadalsame Media