”Waxaan MW Kenyatta ka codsanaynaa inuu nagala hadlo Somalia!” – Beeraleeyda Jaadka oo markale diray farriin catow ah

0
People make packages of khat leaves using banana leaves to wrap the drug at Athiru Gaiti's (Atherogaitu) khat market, where it sells at about 600 Shilling (GBP 4.62) Kenya per kilo. Before the drug was banned in the UK the export of khat to the UK made Athiru Gaiti Kenya's biggest khat market. It is now the biggest supplier to of khat to Somalia. Creation Date:

(Nairobi) 10 Dis 2020 – Beeraleeyda Jaadka Miraa-ga ee Kenya ayaa mar kale farriin catow ah u diray Dowladda Kenya oo ay ugu baaqeen inay wada xaajood deg deg ah la galaan Somalia, si ay u helaan fursad ay mar kale Jaadka ugu dhoofin karaan Somalia, maadaama ay wajahayaan dhaqaale xumi baahsan, sida uu qoray The Standard.

Guddoonka Jamciyadda Nyambene Miraa Farmers and Traders Association, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in Somalia ay ahayd suuqooda ugu wayn ee Jaadka, taasoo maalintii ka iibsan jirtey 50 tan oo ku kacaysey Sh16 milyan.

“Waxaan 10-kii bilood ee ugu dambeeyey khasaarnay Sh5 bilyan oo shilin,” ayuu Munjuri ku cataabay.

Wuxuu sheegay inay lacagtaa wadaagi jireen ganacsatada Somalia, kuwa Kenya ka dhoofiya, gaadiidka qaada ee cir iyo dhul, ganacsatada Meru iyo beeraleeyda Meru ee beera laftooda.

”Waxaannu baaq u diraynaa MW Uhuru Kenyatta si uu nooga caawiyo inaan dhibkan ka baxno.” ayuu codsaday Munjuri.

Hadalsame Media