Somalia oo loogu baaqay inay ka fogaato xiriirka Faransiiska & sababta ugu wacan

0

(Nairobi) 10 Dis 2020 – Waxaa mudaba dunida ka soconayey gumaysi noocyo iyo dabaqado kala geddisan ah, waxaase ugu dambeeyey midkii reer Galbeedka ee qarniyadii u dambeeyey.

Dalal badan oo reer Yurub ah iyo qaar aan ahayn ayaa gumaysigaasi ka qayb qaatay/qaata si toos ah iyo si dadbanba, balse Faransiiska ayaa gaar ahaan loo far muuqaa inuu ka mid yahay gumaysiyada ugu liita.

Haddaba, siyaasiga Faarax Macallin oo ah nin wax badan kala socda caalamka, ayaa Somalia iyo dalal kale uga digey inay wax ku darsadaan Faransiiska.

”Faransiisku waa awood gumaysi midkii ugu xumaa. Eeg sida ay milgo tireen Haiti, Martinique, West Africa iyo Indo China (Vietnam),” ayuu yiri.

”Afrika waa inay joojisaa sii wadista xiriirka Faransiiska iyo dhiig-miiradkiisa. Kenya, Ethiopia & Somalia waa inay ka fogaadaan Faransiiska.” ayuu soo jeediyey.

Faransiiska ayaanba taariikhiyan xiriir sidaa u ridan aan la lahayn Somalia, isagoo inta badan la safta dalalka deriska ah, iyagoo bilowgii xornimada Somalia kaddib aad iskugu nacay arrimaha Jabuuti oo ay Somalia taageeraysey.

Tusaale kale, wuxuu koow ka yahay dalalka Kenya ku dhiirrinaya inay sheegato dhul-badeedka Somalia, waxaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu Itoobiya ku taageerayo dhismaha ciidan badeed aysan bad u haynin, iyadoo ku tashanaysa Somalia oo dal dayacan oo ay dumiyeen madax dowdar ah iyo shacab dayaysan.

Hadalsame Media