Ingiriiska oo qaatay go’aan ka duwan midka Maraykanka & malaayiin uu siinayo Somalia (Sida loo qaybinayo)

0

(Muqdisho) 10 Dis 2020 – Dalka UK ayaa ku dhawaaqay inuu Somalia siinayo $29 milyan oo doollar si loogu taageero kumannaan Soomaali ah oo baahi darteed u macluulaysa iyo sidoo kale la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Wasiirka UK ugu qaybsan Afrika,  James Duddridge, ayaa ku dhawaaqay xirmadan cusub ee gargaarka ah xilli uu booqasho 2 maalmood qaadatay uu ku tegey Somalia.

Warbixin lasoo marsiiyey Safaaradda British-ka ee Muqdisho ayuu Duddridge ku sheegay inuu wada hadal la yeesha MW Farmaajo isla markaana uu booqday ciidamada dalkiisa ee halkaa jooga.

Lacagta ayaa loo qaybinayaa $4.9 milyan oo la siinayo dhibanayaasha daadadka, $6.7 milyan oo ay qaadanayaan dad cunto loo iibinayo. $10.3 milyan oo loo qoondeeyey caafimaadka dhimirka iyo tababarka umulisooyinka.

UK Waxay sidoo kale $2.15 milyan oo wax lagaga qabanayo halista miinooyinka jidadka dhinacooda ay dhigaan kooxda Shabaabka oo aan u nixin dadka rayidka ah, sida ay warbixintu qorayso.

Duddridge ayaa si ka duwan Maraykanka wuxuu sheegay in dalkiisu uu Somalia ”jaal kula yahay soo celinta amaanka iyo xasilloonida oo ay ciidankoodu taageerayaan kuwa Somalia.”

Hadalsame Media