Ummaddee Soomaalida kala mid ah sheegashada & jacaylka xilalka beenta ah?!

0
Angry Man Wear Good Mask Vector. Bad, Tired Man. Fake Person. Deceive Concept. Isolated Flat Cartoon Business Character Illustration

(Hadalsame) 10 Dis 2020 – Soomaalidu waxay Carabta kala mid yihiin jeclaanta derejooyinka.

Wargeysyada Carabta waxaad ku arkaysaa oday bog xayeysiin ah lacag badan ku bixinaya si loogu qoro in wiilkiisii laba aliflaha ahaa u dallacay saddex alifle. Xaflad weyn oo wiilkii loo qabtay sawirradeedii ayaa lagu soo daabacaa.

Waxaa badan jaamacado aan la aqoon meel ay ku yaallaan oo Carabtii oo dhan ka dhigay ‘Diktoor Fulaan’. Mar dhexdaas ah waxaa ku soo baxay nin jaamacadahaas dabaggal ku sameeyey oo dadka derejooyinka ka qaatay ku soo wada qoray twitterka.

Dad badan ayaa shaqooyin sidaas ku waayey oo weliba nin shiikh ah oo Diktoor Hebel loo yaqaanney ayaa intuu masjidkii yimi shahaadadiisii ardaydiisii hortooda ku jeexjeexay oo u cudurdaartay.

Soomaalida derejooyinka Ugaas, Boqor, Suldaan, Malaaq, IWM waxaa la siiiyaa qofka reerkiisa madax dhaqameedka u ah. Laakiin maadaama reerka loo siman yahay derejadiina waa loo sinnaaday. Kulligeen magacyadaas ayaan isugu yeernaa.

Maxaabbiista marka qolku ciriiri ku noqdo waxa isku yiraahdaan “War Ugaas iga durug” iyo “Waa yahay Boqor.” Mar dhexdaas ah oo lacagaha la daabici jirey waxaa iyagana la soo daabacay jawaanno derejada Jeneraalka ah. Dad aan weligood ciidan noqon ayaa subax loo wada tolay. Kolley dhib ayaa lagu xallinayey.

Carabta markii Diktoornimadii toosnayd lagu ciriiriyey waxay doontaan mid kaloo la isku sharfo “دكتوراه فخرية” oo si sharci ah jaamacaduhu ugu sharfaan qofkii ay waxqabad ku ogyihiiin.

Ka warrama haddaan annaguna ‘Honorary Presidency’ ama madaxweyne sharafeed samaysanno oo dadka 20ka sano madaxtooyada ku dul wareegaya loo qaybiyo. Ma laga yaabaa inay magacaas ku qaboobi lahaayeen oo xoogaa nasan lahaayeen.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media