Hal arrin oo lagu dhaliilay Reer Woqooyiga Xamar taga ee sheega “inay midnimo doon yihiin!”

0

(Hadalsame) 10 Dis 2020 – Siyaasiga reer Soomaalilaand ee midnimada aaminsani taa waxba u ma sameeyo, haba yaraatee. Ma laha wax fikir ah mana qabto wax hawl ah oo uu midnimo ku keenayo.

Xamar uun bay iska dhex joogaan oo dadkaa u gu sheekeeyaan “midnimo ayaannu raadinaynaa”. Midnimadu ma wax ay taal Ceelgaabta, halkii aad ka keeni lahayd sow adiga ka goostay?

Dadka sheegta in ay midnimo aaminsan yihiin, gaar ahaan kuwa mushaharka ku qaata, waxaa saaran waajib hawleed iyo mid akhlaaqeed oo ku saabsan waxa ay sheegteen. Tabtaas oo kale dadka sheeganaya in ay rumaysan yihiin gooni isu taagga Soomaalilaand waxaa saaran waajib hawleed iyo akhlaaqeed oo aan ahayn in ay ka dhigtaan mashruuc ay reeraha ka biishadaan.

Sidiisaba qofka Soomaaliyeed waa la ga waayay mabda aan ahayn hungurigiisa iyo ficiltan qabyaaladeed. Taa darteed reer Waqooyiga Xamar u yaacay ee leh midnimo ayaannu wadnaa 99% midnimo ma wadaan waxbana u ma huraan, haba yaraatee.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media