ISKA JIR: Tuugo si cajiib ah dadka u dhacaysa oo kasoo baxday Sweden & xeeladda ay adeegsanayaan

0

(Värmland) 10 Dis 2020 – Booliiska Gobolka Värmland ee dalka Sweden ayaa ka digaya noocyo badan oo burcad danabeed ah oo kasoo baxday dhanka internet-ka, waloow ay tani tahay mid halis ah oo si sahal ah loogu mari karo dad badan.

Tusaale, qof baa kusoo wacaya wuxuuna kuu sheegayaa inuu lacag uu Swish ku dirayey uu kugu soo khalday lacag sidaa darteed aad dib ugu soo celiso.

Wuxuu markaa dul fadhiyaa kombiyuutar, wuxuuna yaqaannaa 10-kaaga lambar ee gaarka ah iyo nooca bankiga aad koontada ku leedahay, wuxuuna deeto kaa codsanayaa inaad lacagta ku fasaxdo Aqoonsiga Bankiga ee elektroonigga ah (BankID).

Wuxuu deeto marayaa dhowr tillaabo oo kale isaga oo kugu madadaalinaya inay lambar khaldan garaacday ama in ay cillad farsamo dhacday ee aad markale ku celiso, balse ujeedku wuxuu yahay wuxuu sii gelayaa gudaha koontadaada, si uu kaaga shubto lacagta.

Haddaba, iska jir arrimaha noocan ah oo beryihii dambe si aad ah ugu soo badanaya Sweden.

Hadalsame Media