Maraykanka oo sheegay inay ”khasab tahay” inuu Sucuudigu xiriir la yeesho Israel

0

(Washington, DC) 10 Dis 2020 – Wiilka uu sodogga u yahay MW Maraykanka ee Donald Trump, Jared Kushner, ayaa mar dhowayd sheegay in waqti yar uun inaga xigo in uu Sucuudigu xiriir toos ah la yeesho Israel.

Warka ninkan ayaa yimid kaddib markii ay Marooko ku dhawaaqday inay xiriirka la caadiyaynayso Israel, iyadoo noqonaysa dalkii ugu dambeeyey ee Carbeed ee sidaa yeela kaddib Imaaraadka iyo Baxrayn oo bilihii dhowaa xiriir la samaystay.

“Israel iyo Sucuudigu waa isu imanayaan oo inay xiriir rasmi ah yeeshaan waa mid aan laga fursan karin.” ayuu yiri Kushner oo warfidiyeenka la hadlayey.

Wuxuu se intaa daba dhigay in waxa harsani ay yihiin inay waqtiga isla meel dhigaan, taasina ay imanayso mar dhow.

Kushner oo uu dhalay maalqabeen ka mid ah Yuhuudda muxaafidka ah ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay dadka shuclada u sida nidaamka Sahyuuniyadda oo ka faa’iidaysanaya cududda Maraykanka.

Hadalsame Media