Meesha uu ku dhamaan doono goolaafanka Muqdisho ka socda waa mid la og yahay

0

(Hadalsame) 09 Dis 2020 – Soomaalidu dagaal siyaasadeed kuma kala adkaadaan. Lacag iyo waqti ayaa kaga luma keliya. Ugu dambeynna iyagoo dharkii ka jeexjeexmay oo madaxa ciid ku leh ayey isa soo hor fariistaan.

Goolaafanka Muqdisho ka socda maalmahan waxaa ugu nasiib xun ninka faan iyo jeesjees isku sii madadaalliya oo rumaysan in siduu rabo wax ugu soconayaan.

Masuuliinta ku faana inay doorashada cidla ka qaadan doonaan, ama dadka ka soo hor jeeda ku tilmaama khaa’innimo, ha ogaadeen inay magacooda iyo kan murashaxooda hoos u dhigayaan.

Adigoo si sharaf leh wax ku heli kara, ha isku deyin inaad abuurtid xaalad dadku isku nacaan oo keeni karta colaad iyo is nacayb. Ogow in doorashada nololi ka dambayso.

Waxaa Dhigay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media