Ciyaartii Istanbul Basaksehir iyo PSG oo la hakiyey kaddib markii uu garsooraha 4-aad ka sameeyey arrin FADEEXO ah + Sawirro

0

(Paris) 08 Dis 2020 – Kulankii kooxaha Istanbul Basaksehir iyo PSG ayaa garoonka ka baxay kulankoodii Champions League, kaddib markii garsooraha 4-aad lagu eedeeyey inuu aflagaaddo cunsuriyadeed kula kacay macallin xigeenka kooxda Turkishka ah.

Ciyaarta ayaa sidaa darteed la hakiyey kaddib markii ay xiisadi oogantey, iyadoo macallin xigeenka Istanbul Basaksehir ee Pierre Webo rooso loo taagey kaddib markii uu cabashada badiyey.

Dhibaatada ayaa waxaa sameeyey garsooraha 4-aad Sebastian Colţescu, oo u dhashay dalka Romania, isagoo garsoore Ovidiu Haţegan u sheegayey inuu roose siiyo Webo off, isagoo leh ‘ninka madow,’ kuna hadlaya luuqadda dalkiisa.

Laacbíbkii hore ee Chelsea ee Demba Ba ayaa isna roose loo taagey. ”Weligaa ma aadan dhihin ”ninka cad” maxaad u leedahay ”ninka madoow?” ayuu Ba ku qayliyey.

Ciyaarta ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo balse kooxda Turkiga ah ayaa diiddan inay ciyaarto inta uu garsooraha cunsuriga ihi ku jiro waxaana lagu bedelayaa garsooraha VAR fadhiya, iyadoo maanta oo Arboco ah la dheelayo saacadda Yurubta dhexe marka ay tahay 18:55.

Hadalsame Media