Dadka UK oo u codeeyey dalalka dunida ugu XUN (Halkee ka gashay Somalia?)

0

(London) 08 Dis 2020 – Sahan laga sameeyey dalka Britain ayaa dadwaynaha lagu waydiiyey inay u codeeyaan dalalka caalamka kuwa ugu liita ee ay ugu neceb yihiin.

Qiimayntan oo ay qaab online ah u samaysay Yougov oo ah hay’ad caalami ah oo tirakoobka samaysa, ayaa waxaa boqolleey la saaray dalalkii ay dadku ugu codeeyeen kuwa ay ugu neceb yihiin.

Waxaannu haddaba kasoo qaadannay 10-ka dal ee loogu neceb yahay marka la eego aragtida shacabka UK, waxaana ugu daran dalka Woqooyiga Kuuriya oo 63% ka heshay codadka.

Waxaa 10-ka sare ka mid ah dalkeenna Somalia oo galay kaalinta 10-aad taasoo ka dhigan inay dadka UK ay 9 dal u arkaan kuwo ka liita Somalia, isagoo dalalka dunida ugu liita ka urursaday 41% marka wax lagu eegayo indhaha dadka reer Britain.

Halkan hoose ka eeg liiska oo dhamaystiran…

Hadalsame Media