Ciidamada DF Itoobiya oo samaysay arrin ay ku ceeboowdey & QM oo ku tilmaantay mid ”naxdin leh”

0

(Addis Ababa) 09 Dis 2020 – Ciidamada Amaanka Itoobiya ayaa xabadeeyey oo deetana xirey shaqaale ka tirsan QM oo isku dayey inay gaaraan gobolka Tigraay, iyadoo ay DF ku doodday inay shaqaaluhu tageen ”meel aysan ahayn inay tagaan.”

Toogashadan ayaa imanaysa xilli ay saraakiisha gargaarku ay walaac ka qabaan inay si nabdoon ku tegi karaan gobolka Tigraay in ka badan todobaad kaddib markii ay QM heshiis la gaartey DF Itoobiya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda, Redwan Hussein, ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha QM ay ”jabsadeen” laba isbaaro iyagoo dhaafi rabey middii 3-aad goortii la rasaasaynayey, isagoo sheegay in shaqaalaha markii dambe la sii daayey oo u socdey ”qaab tacabbur oo kale ah.”

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric, ayaa shilkan ku tilmaamay mid ”naxdin leh”, isagoo DF Itoobiya ugu baaqay inay ka fursato inay tan oo kale mustaqbalka dhacdo.

Hadalsame Media