”Somalia waxay nagu noqonaysaa Tanzania 2-aad!” – Arag jawaabaha ay Kenyaanku ka bixiyeen go’aanka fiisaha lagu soo rogey

0

(Nairobi) 08 Dis 2020 – Dowladda Somalia ayaa soo rogtey amar cusub oo lagu joojinayo fiisihii awal imaanshaha lagu siin jirey Kenya, iyadoo laga reebay dadka haysta Baasaboorka Diblomaasiga ah oo rukhsad gaar ah ka qaadanaya WAD iyo kuwa deganaanshiyaha haysta oo aanu go’aankani saamaynaynin.

Yeelkeede, Soomaalida ayaa siyaabo kala duwan uga fal celisey, iyadoo ay dadka aanu warku seegin ay qireen inay tillaabadani fiican tahay balse loo baahnaa xilli hore oo ay kaga haboonayd, haatan se laga leeyahay dano siyaasadeed iyo mid doorasho, isla markaana aanay Kenya wax wayn kasoo qaadaynin maadaama uu dalku ku jiro xaalad kala guur ah iyaguna ay taa ogyihiin, sida ay dad badani ku doodayaan.

Ha yeeshee, waxaan idiin haynaa jawaabaha dadka Kenyan-ku ka bixiyeen markii ay saxaafadda KENYA warkan soo qaadatay.

”Somalia waxaan dhihi lahaa is dejiya, Maraykanku wuu baxayaa Itoobiyana waa qasan tahay, marka yaa fiise uga baahan mustaqbalka dhow.” Mid baa yiri.

”Halkii aannu fiise la’aan isugu socon lahayn ayaan fiise isku soo rogaynaa si aan u qancinno gumaysigeennii Yurub. Waxaan nahay insaan.” ayuu mid soo qoray.

”Qofkii warkan qoray wuu khaldamay oo wuxuu ula jeeday ”Somalia jidadka Nairobi ayay ku gadi doontaa” fiisaha dalkeeda lagu galo.” ayuu yiri mid kale oo Kenyan ah.

”Kenya ha iska indha tirto warka bulshadan bilaa dowladda ah, waloow aan jeclahay in uu gobolku xasilo, misna hadda abaalkeenna ayay na tusayaan.” ayuu qoray.

”Balse Madaxwaynohooda iyo dowladdooda oo dhami waxay deggan tahay Eastleigh!” ayuu yiri mid kale oo khabar daar ah, warkiisuna micne samaynayo.

”Dalalka deriska ah oo dhami waxay hadda shaydaamaynayaan Kenya, arag wixii uu nagu sameeyey Mugufuli kaddib markii uu dilaacay cudurka Covid.” ayuu mid kale ku dooday.

”Waxaanba la yaabay inay fiise leeyihiin, malaha buug layli ah oo duug ah ayay warqado kasoo goosteen.” ayuu ku jawaabey mid yaraysanaya Somalia.

”Haddii ay tani tahay ciqaab ku saabsan sababta aannu halkaa (Somalia) u tegi wayney, haddaba uma socdo xitaa haddii ay bilaash tahay.” ayuu yiri mid kale.

”Waxay u egtahay in Somalia ay noqonayso Tanzania kale.” ayuu yiri xariif kale.

”Waayo Kenyaanka aadaya Somalia, waxaan rabaa lambarradooda iyo aqoonsigooda.” mid baa ku kaftamay.

”Soomaaliyadeennu waaba halkan Eastleigh, Nairobi.” ayuu yiri.

Marka la eego jawaabahan iyo kuwo kale waxaa soo baxaysa laba arrimood: Midi waa inaysan Kenyaanku xog badan ka haynin Somalia oo ay ka shaqaystaan Kenyaan fara badan, midina waa inay liidayaan dowladnimada Somalia, taasoo ah meel ay Soomaalidu iyadu is dhigtay, iyada oo quri ihina iska qaadi karto, waayo 1963-kii saraakiil badan oo Kenyan oo ciidan iyo madaniba iskugu jira waxaa tababarro mug dhisid ah loogu soo diri jirey Muqdisho.

Hadalsame Media