Danjiraha UK oo runta u sheegay madaxda Somalia & 4 qodob oo koobaya nuxurka warkiisa

0

(Hadalsame) 08 Dis 2020 – Shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo caalamka nin aan filayo inuu yahay ergayga Ingiriiska ayaa waran kulul oo qofkii damiir lihi dareemi karo nagu dhuftay, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii iyo wasiirradii fadhiyaan. Wuxuu noo sheegay war aynu ognahay, laakiin in gurigeenna nin shisheeye ahi inoogu sheego ay ka sii xanuun badantahay, yax yax iyo waji gabax ayaa wasiirrada dawladda laga akhrisan karey.

Hadalka ergayga nuxurkiisu wuxuu ahaa:

1) Soomaali hadaad tihiin dalkiina idinkaa halkaa dhigay, waayo danihiina gaarka ah ayaad ka door bideen dantii guud, danaystayaal ayaad tihiin, wuxuu adeegsadey ereyga tiisa eegte (selfish).

2) 400 sano ka hor ayey dadka Ingiriisku garteen heshiis bulsho (social contract) oo ah danta guud inaan loo dumin dan gaar ah.

3) Hadalkaa beri hore ayaan akhriyey laakiin si dhab ah uma fahmin ilaa aan ka imi soomaaliya!

4) Intii aan arkayey doorashooyinka Soomaaliya, kuwa kursiga ku fadhiyaa wexey ku dadaalaan iney doorashada marooqsadaan ama ku shubtaan, kuwa mucaaradkuna iney carqaladeeyaan si ay u helaan wado ay iyana jagada ku gaari karaan.

Horta ninkan ingiriiska ahi tolow qabiilkee taageersan yahay?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media