”Aniga oo gabdhihii ila dhashay biyo la raadinaya ayaa waxaa ceelkii noogu yimid ciidanka qabiilkii aan kasoo qaxnay!”

0

(Hadalsame) 08 Dis 2020 – Waqtiyada ciriiriga ah qofka waxaa ku adkaada inuu xilalkii saarnaa ka soo wad baxo. Colaaduhu waxay abuuraan xaalad goáan qaadashada qofka khalkhal gelisa ama uu isagu welwel ugu noolaado wax aan awooddiisa ahayn.

Maalmihii dagaalladu ka dhaceen waddanka ayaa waxaa jirey nin aad loo qaddarin jirey oo masuul ka ahaa dhawr reer oo qaraabadiisa ah oo nimankoodii maqnaayeen. Waxba kuma dayacnayn oo xilkaas waa ka adkaa. Colaadda aan la saadaalin karin waxay keentay in qofku saddex saac gudahood marba goáan qaato. Madfacii yeeraba wuxuu kuula hadlayaa si hoose oo ah inaad naftaada iyo tan reerkaaga u tashatid.

Subax ayaa lagu waabariistay ninkii oo shalay galab reerkiisii la qaxay isagoon sooba xasuusan dhawrkii reer ee kale ee isagu masuulka ka ahaa wax rag ah oo u taliyana aanu ku ogayn.

Waxay noqotay in xaasaskii midba meeshay ciyaalka kala bixi karto ula qaxdo. Waxaan iska qiyaasayaa in, maadaama ninkaasu colaadda ka hor miisaan lahaa, ay ku adkaatay inuu naftiisa wax ka baxsan ka fekero markii colaaddu timi.

Nin kale ayaa ka qaxay magaalo uu muddo ku noolaa oo colaad ka bilaabatay. Wuxuu ku noqday degmadii uu ku dhashay oo dhawr boqol oo KM safar loogu aado. Wuxuu yiri maalmo markaan joogey ayaa degmadii waxaa ku dagaalamay reerkaygii iyo reer kale oo aan wada deggenayn.

Maalmahaas waxaa xiise iska lahaa wax la yiraahdo ‘magaalo qabsi’ iyo ‘la wareegid’ oo waxaa la iska jeclaa in magaca reerka oo meel la wareegay laga sheego BBCda. Marka reerkii aan meel qabsan waa ka maqnaayeen miisaanka siyaasadda. Ninkii reerkiisii ayaa magaaladii looga adkaaday wuxuuna ku khasbanaaday inuu gabdho dhawr ah oo ehelkiisa ah la cararo.

Wuxuu yiri habeenkii meel cidla ah ayaan seexannay. Barqadii ayaan u baahannay biyo markaasaan aadnay meel ceel naloogu sheegay. Ceelka waxaa ku hareeraysan geedo badan oo meel fog wax lagama arkayo. Annagoo ceelkii dul joogna ayaan maqalnay hadal dad soo socda laakiin geeduhu naga qarinayaan. Gabdhihii mid ka mid ah ayaa soo eegtay oo tiri waa niman ciidankii na soo saaray ah. Gabdhihii ayaa anigii igu ooyey oo igu yiri adigay ku dilayaane baxso. Wuxuu yiri waxaan dhex galay geedihii oo ma fogaan. Nimankii gabdhihii wax dhib ah uma geysan oo markay ceelkii dantoodii ka dhammaysteen waa iska tageen.

Wuxuu yiri waxaan ogaa inaan degmadii kaga imi aabahay oo ahaa nin shiikh ah oo da’ah oo aana soo qixi karin. Waxaan ka seexan waayey welwelka in aabbahay joogo cidla oo aanan ogeyn wax ku dhacay. Waxaan aaday degmadii anigoo og in wax walba igu dhici karaan. Markaan imi koontaroolii ayaa ciidankii i joojiyeeen oo i weydiiyeen qabiilkayga. Been uma sheegin waxaana ku iri waxaa i soo celiyey aabahay oo aanan nolol iyo geeri ku ogeyn.

Waa ii oggolaadeen inaan galo degmada. Waxaan u tegey aabbe oo nabad qaba oo ay la joogaan labo wiil oo ka dhashay reerka magaalada naga saaray oo ugu yimi inay ilaaliyaan. Wuxuu yiri labo maalmood markaan la joogey aabbe ayaa reerkaygii soo rogaal celiyeen oo noo yimaadeen aniguna markaasaan labadii will ku hagoogtay.

Marka qabaaílku isu muruq-tuujiyaan oo qoloba ku hammido inay xooggeeda soo bandhigto, maaha keliya dhibaato lagu waayayo wiilal dhallinyaro ah, ee waxaa ku burbura isku-tolnaanta bulshada oo waxaa ka yimaada kala furfuran iyo ciriiri qofku naftiisa hormariyo laakiin gadaal uu ka xasuusto xilal badan oo saarnaa oo dhibku illawsiiyey.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media