WAR CUSUB: Saynisyahankii Iiraan waxaa lagu toogtey qori ”wejigiisa yaqaan” oo laga hagayey dayax-gacmeed (Xaaskiisa xagatini ma gaarin)

0

(Tehraan) 07 Dis 2020 – Saynisyahankii reer Iiraan ee dhowaan la khaarajiyey oo awal la sheegay in loo adeegsadey qori meel fog (remote) laga hagayey, ayaa haatan waxaa soo baxaysa in meeshaa fogi ay tahay dayax-gacmeed heehaabaya joog sare, sida ay sheegtay saxaafadda dalkaasi.

Mohsen Fakhrizadeh ayaa isbitaalka ku naf baxay kaddib markii lala cararay isaga oo garaab ahaa 27-kii Nofeembar kaddib markii gaarigiisa lagu tacshiiradeeyey meel u dhow Tehraan, kaasoo ahaa weerar ay Iiraan ku eedeeysay Israel.

Yeelkeede, sida ay haatan qoreeyso wakaaladda Iiraan ee Mehr, Commodore Ali Fadavi, oo ah taliye xigeenka Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan (IRGC), ayaa sheegay in qorigiii darandoorriga u dhacayey ee lagu diley caalimku uu ku shaqaynayey walxaha leh caqliga macmalka ah oo laga hagayey dayax-gacmeed.

Wuxuu sheegain Mr Fakhrizadeh lagu ridey 13 xabadood oo sida ay u saxnaayeen aan xitaa xagatin gaarsiinin xaaskiisa oo gaariga la saarnayd wax aan sinti mitirro ka badnaynna u jirtey, xilligii weerarka.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxii ilaalada Fakhrizadeh isaga lagu dhuftay 4 xabadood kaddib markii uu isku dayey inuu isu dhigo rasaastii ku dhacaysey Fakhrizadeh, iyadoo aan loo jeedin wax cadow ah oo xabbadda soo ridaya, isagoo tilmaamay in qorigu uu ku shaqaynayey aalad elektaroonig ah oo ay ku jiraan kuwa weji-garadka oo ka amar qaadanaysa dayac-gacmeed fog.

Waa markii ugu horreeysey inta la ogyahay ee qaabkan casriga ah qof loo khaarajiyo, waloow ay jiri karaan marar kale oo aan laga war qabin.

Hadalsame Media