Gabar Soomaali ah oo 6 sanadood la la’aa oo mar qura kasoo baxday meel aan laga filaynin iyada oo carruur wadata

0

(London) 07 Dis 2020 – Gabar Soomaali ah oo ku jirtey qaybta baafinta dadka la la’yahay tan iyo Juun 2014-kii, ayaa haatan 6 sanadood kaddib la helay iyada oo ka mid ah maxaabiista Suuriya ee lagu hayo xaasaskii kooxdii Daacish.

Nasra Abuukar ayaa baadigoob loo galay kaddib markii ay ka tagtay guriga qoyskeeda oo ku yaalla Lewisham, koonfurta London, iyadoo xilligaa 18-jir ahayd.

Waxaa haatan caddaatay inay Suuriya u safartay oo ay halkaa ku guursatey nin Daacish ka tirsanaa oo isna ka yimid Cardiff, Wales, kaasoo ay u dhashay laba wiil oo loo kala bixiyey Dalxa iyo Faaris. Faaris waxaa lagu diley weerar dhanka cirka ah oo uu ninkeeduna ku dhaawacmay, balse waxaa ay wadataa Dalxa oo 3-jir ah, waxayna haatan ku jirtaa xeryaha ay Kurdigu maamulaan ee al Howll, woqooyi bari Suuriya.

Sida gabar kale oo la yiraahdo Shamima Begum, oo iyaduna ka carartay Bariga London oo iyadna laga helay isla xeradaan, waxay Nasra aad u doonaysaa inay dib ugu laabato Britain, tiiyoo ay jirto in dhalashadii British-ka laga xayuubiyey, amaanka qaranka dartii.

Waxaa la helay farriimo ay soo dhigtay baraha bulshada, gaar ahaan mid ay 2015-kii kula maadsanaysey weerar ka dhacay Paris, kaasoo lagu diley 130 qofood, iyadoo dhiirri gelineysey in lagu hoos noolaado wax ay ku tilmaantay “Khilaafada Daacish”, sida lagu qoray The Times.

Nasra hooyadeed, Kaaha, ayaa walaac ka muujisay in gabadheedu ay guursatey nin Daacish ah, iyadoo sheegtay in aanay wax ”xiriir ah la lahayn, ninkeedana aanay aqoonin”, balse mar la waydiiyey inay jeclaan lahayd inay la midowdo gabadheeda iyo wiilka ay ayeeyada u tahay, waxay sheegtay inaysan iyadu waxba ka qaban karin oo ay u taallo Dowladda UK.

Ninka Nasra guursadey, ayaa ah Aseel Muthana, oo ahaa dagaallame Daacish ah iyo dacaayad faafiye reer Cardiff ah, kaasoo sidoo kale xaas kale qaba, waxaana la sheegay inay labadoodu ISIS la joogeen ilaa laga qabsado meeshii ugu dambsey ee Baghouz, bariga Suuriya, gugii 2019-kii.

Hadalsame Media