”Israel waxay iska khaarajinaysaa qofkii ay doonto waana gumaysi!” – Amiir Turkiga Sucuudiga oo afka furtay shuruudna soo jeediyey

0

(Riyaad) 07 Dis 2020 – Amiir Turki bin Faisal ayaa si xooggan u cambaareeyey Israel oo uu ku tilmaamay “awood gumaysi oo reer Galbeed ah” mar uu shalay ka qayb gelayey kulan amaan oo uu khadka uga qayb gelayey Wasiir Dibadeedka Israel.

Faisal, oo sirdoonka Sucuudiga hoggaaminayey muddo ka badan 20 sanadood, ayaa shirka amaan ee Baxrayn ka sheegay in heshiis kasta oo lala gelayo Yuhuuddu uu yimaado kaddib marka la helo dowlad Falastiini ah.

Ninkan oo sidoo kale ahaa Danjirihii Sucuudiga ee UK iyo Maraykanka ayaa sheegay in  Israel “ay Falastiiniyiinta xabsiyada ku gurto iyagoo eedo been ah u qabsata kaddibna aan cadaalad saaxi ah marsiininin”.

“Waxay burburinayaan guryaha sidii ay doonaan, waxay khaarajinayaan qofkii ay doonaan… misna waxay caddaysanayaan inay doonayaan inay saaxiib la noqdaan Sucuudiga,” ayuu yiri Faisal.

Bishii Nofeembar, kooxaha xuquuqul insaanka Israel ee B’Tselem waxay sheegeen in burburinta guryaha Falastiin ay gaareen halkii ugu sarreeysey muddo 4 sanadood ah, taasoo keentay inay dad badani ku guryo beelaan Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed.

Wasiir Dibadeedka Israel, Gabi Ashkenazi, oo markiiba warkan ka fal-celiyey ayaa sheegay in uu “ka xumaaday warkan kasoo yeerey ninkan Sucuudiga ka mas’uulka ahaa, balse eedda kasoo yeertey ee uu ka sheegay kulanka Manama uusan ka tarjumaynin aragtida iyo isbiiritka cusub ee isbedellada ka socda gobolka.” ayuu ku af jigey Sucuudiga.

Waloow aanu Turki hadda xil rasmi ah haynin, misna aragtidiisu waxay ka tarjumi kartaa aragtida Sucuudiga.

Hadalsame Media