”Waxaan adeegsanaynaa dayuurado ciidan!” – Maxaa UK u qorshaysan haddii uu EU ka boxo 31-ka bishan isaga oo aan wada helin tallaalka Covid-19? (Qorshe 2-aad)

0

(London) 07 Dis 2020 – Wasiir ka tirsan UK ayaa sheegay inay ka baaraandegayaan “qorshayaal dheeraad ah” oo ay meel dhigayaan si loo helo tallaalka Covid-19 haddii ay Britain ka baxdo EU 31-ka bishan iyada oo aan waxba lagu heshiinin.

James Cleverly, oo wasiiru dowle ku qaybsan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ayaa Sky News maanta u sheegay in UK ay ka fikirayso sidii ay tallaalka ku heli lahayd haddii la xiro ama ay daahaan shixnadaha yaalla dekedaha iyo garoomada ay wax ka rartaan haddii uu dhoco Brexit bilaa heshiis ah.

Wuxuu sheegay in ay tallaalka kusoo qaadan doonaan dayuurado ciidan oo loo dirayo meelaha lagu sameeynayo tallaalka oo ay Belgium ka mid tahay, maadaama uu tallaalku muhiimad wayn u leeyahayna ay sidoo kale agaasin ka samaynayaan dhanka xadka.

The Guardian ayaa sina qoray in Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu uu isna ka hadlay arrintan ah in dayuurado ciidan lagu soo qaado tallaalka Covid-19 kuwaasoo laga soo daabulayo Belgium oo ka mid ah baraha lagu diyaarinayo tallaalka Pfizer oo todobaadkan tallaalkiisa laga bilaabay UK.

Hadalsame Media