Imaaraadka oo dani ka gashay inuu ka qayb qaato Islaam nacaybka ka jira Galbeedka (Qaybtii 2-aad)

0

(Abuu Dabeey) 05 Dis 2020 – In aragtiyaha “Islamism-ka” lala xiriiriyo “argagixiso” has waxay qayb ka ahayd istaraatijiyadda uu Imaaraadku kula xiriiro galbeedka gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka.

Wuxuu si aad ah uga faa’iidaystey qoonsiga iyo cabsida Galbeedka ka dhalatay kaddib weerarradii 9/11 isagoo aan kaliya u ololayn kali talisnimada Imaaraadka oo uu uga gaday inay tahay sida ugu wanaagsan ee kooxahan loola dagaallami karo, balse wuxuu sidoo kale qiil u raadiyey kali taliskii Libya, Masar iyo Yaman. Qaybtii 1-aad

Waxaa istaraatijiyadda Imaaraadka Galbeedka looga iibiyey si jumlo iyo tafaariiq intaba ah, iyadoo la adeegsanayo halku dhegga la dagaallanka “argagixisada” – taasoo ah aragtida MW Macron qiilka u siisay inuu taageero hoggaamiye kooxeedka Khalifa Haftar oo ay Imaaraadku ku naas nuujiyaan Libya.

Waa sababta loogu qiil raadiyey afgembigii Sisi ee Masar iyo gacanta adag ee uu ku qabtay mucaaradka dalkaasi, iyo xeryaha wax lagu ciqaabo ee ay dalka Yaman ka samaysatay kooxda maqaar saarka ah ee wakiilka u ah Imaaraadka ee Southern Transitional Council (STC) oo ah koox doonaysa inay Yaman kala jarto.

Yeelkeede, waxaa reer Galbeedka laftooda u muuqata in Imaaraadku uu ku tumanayo xuquuqaha madaniga ah, madax bannaanida siyaasadeed iyo hannaanka xisbiyada badan, taas oo aan liberaal u ahayn sida uu u doonayo inuu iskaga iibiyo Galbeedka.

Waxayna ka baqayaan laba arrimood: in sidan ay ku xoogaysato kali talisnimadiisu, isagoo haatan ah dal ay qoysas yari gacan bir ah ku hayaan oo uu Booliisku ka taliyo (Police State), balse ay dhanka kale taasii sii xoojinayso kooxaha xag-jirka ah marka la sooco, la takooro kaddibna la cadaadiyo.

Dhamaad…

Waxaa Qoray: Dr. Andreas Krieg oo dhiga qaybta Defence Studies Department ee King’s College London

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji