Imaaraadka oo dani ka gashay inuu ka qayb qaato Islaam nacaybka ka jira Galbeedka (Qaybtii 1-aad)

0

(Abuu Dabeey) 03 Dis 2020 – Imaaraadka Carabta oo ah boqortooyo ka dhexeeysa dhowr qabiil ayaa iyada oo ka faa’iidaysanaysa nacaybka sii kordhaya ee ay reer Galbeedku u qabaan Muslimiinta waxay ku fooggan tahay inay sidaa kula dirirto kooxaha Ikhwaanul Muslimiin iyo kuwa kale ee ku kacsan. Ujeedka ugu wayn Imaaraadku waa sidii ay awoodda kusii haysan lahaayeen.

Imaaraadka oo ah dal oo booliis ka taliyo, wax xorriyad ah oo madani ihina aanay ka jirin, isla markaana culumada ka howlgashaa ay ku shaqeeyso hadba wixii uu doonayo nidaamka dalkaasi taasoo keentay inay u qiil dayaan dulmiga iyo cabburinta ayaa qaadaysa tillaabo halis ku ah guud ahaan Muslimiinta.

Tusaale, Golaha Fadwada Imaaraadka ayaa beri dhowayd soo saaray wax lagu sheegay fadwo liiska ”argagixisada ku dareeysa” ururka Ikhwaanul Muslimiin, iyadoo golahan oo uu hoggaamiyo Sheikh Abdallah bin Bayyah, uu noqday mid ay usha u hayaan madaxda dalkaasi.

Golaha Fadwada soo saaray oo ku dooday in ay raacayaan mabda’a ah in la ”adeeco uulul amriga”, ayaa waxay doonayaan in ay reer Galbeedka geeyaan aragti ah in la takooro kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku dhaqan halkaasi, kuwaasoo aan la jeclayn 20-kii sanadood ee ugu dambeeyey.

Abuu Dabeey ayaa sii xoojinaysa aragtida ay reer Galbeedku ka qabaan kooxahan iyagoo ka dhaadhicinaya in haddii aanay iska qaban ay u xuub siibanayaan kooxaha Salafiga ah ee jihaadiga ah ee haatan wada dagaallo badan, waloow ay aragti ahaan labada dhinac kala duwan yihiin. Waxay la mid tahay iyada oo la yiri Liberalism-ku wuxuu la mid yahay Nazism.

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Dr. Andreas Krieg oo dhiga qaybta Defence Studies Department ee King’s College London

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji