”DF waxay aaminsan tahay in Axmed Madoobe u shaqeeyo Sirdoonka Kenya!” – Wargayska East African

0

(Nairobi) 06 Dis 2020 – 29-kii bishii Nofeembar, waxay DF Somalia u yeeratey Danjirihii u fadhiyey Kenya, Mohamud Ahmed Nur Tarsan, iyadoo cayrisey midkii Kenya ee Lucas Tumbo, kaasoo eeday wax ay Muqdisho ku tilmaantay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah danaha maxalliga ah ee Somalia.

Waxa markan la isku hayaa dabcan muran badeed ma ahayn ee waa sheeko uu udub dhexaad u yahay MW Jubbaland ee Ahmed Mohamed Islam, oo lagu naynaaso Sheikh Madobe, kaasoo la sheegay inuu had iyo jeer diido heshiisyada Soomaalida ka dhexeeya marka uu woco ama la kulmo madaxda Kenya.

”Maamulka Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in Axmed Madoobe uu si dhow ula shaqeeyo sirdoonka Kenya oo leh ”dano halis ah.” ayaa lagu qoray The East African oo Kenya kasoo baxa.

Tusaale ahaan, Sheikh Madobe ayaa mar qura kasoo horjeestey guddiga doorashooyinka isagoo sheegay in Jubbaland aanay qaban doonin doorashadii lagu soo xuli lahaa Senetarrada Diseembar 1-10 inta ay DF ciidanka ka saarayso Gobolka Gedo, isla markii uu kasoo noqday Nairobi.

Muqdisho ayaa arrintaa u aragtay mid ay Nairobi ka shaqaysay si ay u qalaanqal u geliso doorashada Somalia, waloow ay arrintaa beenisey Wasaarad Dibadeedka Kenya oo ku tilmaantay ”eed indha la’aan ah”, iyadoo War Saxaafadeedkeeda ku sheegtay hal arrin oo run ah.

”Siyaasiyiinta Somalia waa inay ka run sheegaan waajibaadka saaran oo iska daayaan falalka jeedinta ah si doorashadan oo qayb ka ah soo kabashada Somalia waqtigeeda loogu qabto.” ayay tiri WAD Kenya, iyadoo ay run tahay in haddii aanay Kenya la shaqayn lahayn siyaasiyiin Soomaali ihi aanay waxba ka qaaddeen Somalia.

Kenya Defence Force (KDF) soldiers, serving in the African Union Mission in Somalia (AMISOM), patrol past stockpiles of charcoal near the Kismayo sea port town in lower juba region February 27, 2013. Picture taken February 27, 2013. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA – Tags: MILITARY BUSINESS) – RTR3EEN5

Hadalsame Media