Dal lasoo jeediyey inuu isna ciidamadiisa kala boxo Somalia kaddib Maraykanka & dalalka bedeli lahaa

0

(Nairobi) 06 Dis 2020 – Ciidamada Maraykanka ayaa lagu wadaa inay Somalia ka baxaan horraanta sanadka soo aaddan ee 2021-ka, iyagoo sheegay inay dalalka deriska ah kasii wadayaan weerarradii cirka ahaa ee ay ku qaadayeen kooxda Shabaab oo ahayd howsha qura ee ay qabanayeen.

Haddaba, siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay cidda ay tahay in lagu bedelo Ciidamada Maraykanka iyo kuwa ay tahay inay horay usii raacaan si loo xeeriyo xasilloonida Somalia.

”Bixitaanka Ciidamada Maraykanku waa mid soo dhowayn ka mudan dhanka xasilinta Geeska Afrika. Ciidamada Kenya ee AMISOM iyaguna waa inay soo baxaan oo yimaadaan xadkeenna,” ayuu yiri Faarax Macallin.

”Waxaa lagu bedeli karaa Turkiga (oo wata daroonno iyo ciidan badeed) iyo dalal kale oo Afrikaan ah sida Chad/Eritrea/Sudan.” ayuu raaciyey.

Dalka Somalia ayaa wajahaya mustaqbal aan kala caddayn iyadoo ay muuqato in siyaasiyiintu ay ku qalboobtamayaan kursi dab saaran, iyagoo garan la’ in marka hore dabka shidan la damiyo.

Hadalsame Media