Turkiga oo ku guulaystey inuu samaysto matoor lagu xirayo dayuuradaha helakabtarka ah ee uu soo saaro + Sawirro

0

(Ankara) 06 Dis 2020 – Turkiga ayaa ka maarmi doona inuu dibedda kasoo degsado matoorrada dayuuradaha qumaatiga u kaca ee uu isagu sameeyo oo sanadkii ugu kaca $60 milyan oo doollar kaddib markii shalay la furay wershad sameeysa matoorrada maxalliga ah.

“Maanta waa u taariikhi wershadaha agabka ciidamada ee Turkiga,” ayuu yiri Wasiirka Wershadaha iyo Tiknoljiyadda Mustafa Varank, oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jaray wershad sameeysa isla markaana naqshadaysa matoorrada dayuuradahan (TUSAS Engine Industries (TEI) oo laga hirgeliyey gobolka bartamaha dhaca ee Eskişehir.

Matoorradan ayaa la saari doonaa dayuuradaha maxalliga ah ee doorarka badan ee qumaatiga u kaca, gaar ahaan jiilka cusub ee T625 Gökbey, oo ah laba matoorreey 6 tan ah.

Wasiir Varank ayaa sheegay in matoorradan ay muddo 3 sano gudohood ah ay ku diyaariyeen injineerrada TEI, taasoo Turkiga ka dhigaysa mid ka mid ah 7 dal oo samayn kara matoorrada gaaska ku shaqeeya ee dayuuradahan.

Matoorka dayuuradeedkan oo soo saaraya awood u dhiganta midda 1,660 oo faras, ayaa isla munaasabadda lagu tijaabiyey, iyagoo guud ahaan mashruucani soo bilaabmay 2017-kii.

ESKISEHIR, TURKEY – DECEMBER 05: The opening ceremony of delivery and design center for the first indigenous helicopter engine TEI-TS1400, held on December 05, 2020 in Eskisehir, Turkey. ( Raşid Necati Aslım – Anadolu Agency )

Hadalsame Media