Turkiga oo Shiinaha u diray tareen alaab dhoof ah sida oo isu maraya laba qaaradood & laba badood + Sawirro

0

(Istanbul) 05 Dis 2020 – Tareenkii ugu horreeyey ee Turkiga ka qaaday alaabooyin dhoof ah isagoo u socda Shiinaha ayaa Jimcihii ka baxay Istanbul, sida ay sheegtay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi.

Tareenkan “ayaa raaci doona dhabbaha xadiidka ah ee Trans Caspian East-West Middle Corridor”, isagoo maraya via Baku-Tbilisi-Kars, wuxuuna jarayaa dhul dhan 8,693 km, iyo laba qaaradood, laba badood, 5 dal isagoo Shiinaha gaari doona 12 maalmood kaddib.

Waxaa horay tareen sidan oo kale 10 fur ka kooban uu maray kadkan China-Turkey-Europe, waxayna ahayd bishii Nofeembar oo uu isu maray min Shiinaha oo uu tareenkaasi ka yimid ilaa Prague.

Turkiga ayaa sheegay inuu qaadi doono tillaabooyin kale oo asaasi u ah qorshaha uu doonayo inuu marin iyo maxaddo u noqdo isku xirka bariga iyo galbeedka, maadaama uu ku yaallo meel istaraatiji ah, taasoo ah wax inta badan aad looga faa’iidaysto.

Hadalsame Media