Somaliland oo War Saxaafadeed ”dhex bood ah” kasoo saartay bixitaanka Ciidanka Marakanka ee Somalia

0
This photo taken on May 16, 2016 in Hargeisa shows a downtown bus depot. (Photo by MOHAMED ABDIWAHAB / AFP)

(Muqdisho) 05 Dis 2020 – Maamulka Somaliland ayaa War Saxaafadeed ”dhex bood ah” kasoo saaray Ciidanka uu Maraykanku sheegay inuu kala baxayo Somalia.

Warqad kasoo baxday Wasaarad Dibadeedka Somaliland oo isu arka dal madax bannaan, ayaa waxaa ku qoran in ”tillaabada Maraykanku ay tahay farriin adag oo muujinaysa ay dalalku amaankooda ka adkaadaan”, sida ay yiraahdeen.

”Ciidankeenna amaanku waxay ka hor tageen argagixisada iyo burcad badeedka badaha noo dhow oo marin u ah Ciidanka Maraykanka iyo shixnadaha caalamiga ah.” ayuu ku dhigan War Saxaafadeedka.

Waxay intaa ku dareen in ay soo dhowaynayaan in uu Maraykanku dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa Geeska Afrika, iyagoo sheegay inay u hanqal taagayaan iskaashi adag oo dhex mara wax ay ku tilmaameen dalalka dimoqraadiga ah ee leh dhaqaalayowga suuqa xorta.

Somaliland ayaa waxaa ku xir xiran dad rayid ah oo aragtidooda saliimka ah loo haysto, halka dhanka suuqa uu halkaa ku xiran yahay Milkiilaha TV-ga Astaan oo sida xogta lagu hayo ganacsigiisa uun lagu haysto.

Maraykanka ayaa sheegay inuu ciidankiisa kala baxayo Somalia horraanta 2021, balse wuxuu sheegay in aanay marna is bedelaynin siyaasaddiisa ku aaddan Somalia iyo la dagaallanka kooxda Shabaab.

Hadalsame Media