Maraykanka oo sheegay xilliga uu ka baxayo Somalia & qorshe uu halkaa ka wadey oo ”mustaxiil” lagu tilmaamay

0
Somali national army soldiers stand in formation during a logistics course graduation ceremony. Soldiers from Somali???s advanced infantry DANAB battalion spent 14 weeks training with the U.S. 10th Mountain division on the importance of logistical operation as well as the operation and maintenance of heavy equipment. (Photo by MC2 (SW/AW) Evan Parker. Released)

(Washington, DC) 05 Dis 2020 – MW Donald Trump ayaa amray in inta badan ciidamada Maraykanka ee Somalia joogaa ay halkaa ka baxaan iyaga iyo agabkooduba ”horraanta 2021”, wax ka mid ah tillaabooyinka ugu dambeeya nidaamka sii galbanaya ee Trump.

Ciidamadan oo tiro dhan 700 oo askari ayaa se la sheegay inaanay bedeli doonin “siyaasadda Maraykanka ee ku fooggan Somalia”, sidoo kalena aanu ahayn dib u gurasho rasmi ah.

“Tillaabadani ma aha bixitaan waa dib isu meelayn si aannu usii wadno dedaalladeenna Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Africom.

Trump ayaa 17-kii Nofeembar sheegay inuu sidoo kale kumannaan askari kala baxayo dalalka Afghanistan iyo Ciraaq marka la gaaro Jannaayo 15, 2021.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay u wareegi doonaan dalalka deriska ah halkaasoo ay ka wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo haatan weerarreeda inta badan ku qaadda dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Maraykanka oo siyaasad aan inta badan mandiqi ahayn oo dagaal iyo xoog uun ku dhisan ka fuliya dalalka soo koraya ayaan la ogayn sida uu usii wadi karo tababarka ciidanka Danab oo uu CNN ku tilmaamay mid ”mustaxiil ah”, taasoo uu horay u ballan qaaday inuu gaarsiinayo 3,000 oo askari tiiyoo ay haatan yihiin 945 askari oo qura, waxaana jira muran dhex maray iyaga iyo DF Somalia, taasoo loo badinayo inay tahay sabab ka mid ah bixitaankooda.

Hadalsame Media