Maraykanka oo Somalia ka xirxirtey iyo Ruushka oo xiise cusub u muujinaya (Arrin uu ku baaqay)

0

(Moscow) 05 Dis 2020 – Ruushka oo sanadihii dambe muujinayey inuu markale Afrika danaynayo ayaa gaar ahaan aad isha ugu haya gobolka istaraatijiga ah ee Geeska Afrika, isagoo soo jeediyey in dib loo bilaabo wada hadalladdii DF Somalia & maamulka Somaliland.

Vassiliy Nebenzia, Wakiilka Joogtada ah ee Ruushanka u fadhiya QM, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Federayshanka Ruushanku ay labada dhinac (DF Somalia & maamulka Somaliland) ku boorrinayso inay xeer-jajab gaaraan si loo xalliyo khilaafka jira.

“Waxaannu ka walaacsan nahay inuu burburo wareegga 2-aad ee wada hadalkii Agoosto, waase muhim in lasoo celiyo wada xaajoodka oo heshiis la gaaro.” ayuu hoosta kaxarriiqay Vassiliy Nebenzia.

Waa markii ugu horreeysey ee uu Ruushku soo hadal qaado wada xaajoodka DF Somalia & maamulka Somaliland, kaasoo wareeggii ugu dambeeyey lagu qabtay dalka Jabuuti, waloow ay ugu yaraan ilaa 6 kale ay ku kala yeesheen London, Dubai, Ankara, Istanbul iyo Addis Ababa.

Madaxda labada dhinac kala hoggaaminaysa ayaa lagu eedeeyey inaysan ka tarjumin rabitaanka shacabka, wanaaggooda iyo xallinta umuurohooda, balse ay wax kasta ka eegaan faa’iido siyaasadeed oo shakhsi ah, waxaana soo baxday in wadahadalkii ugu dambeeyey aanu ka badnayn madadaalo maalmahaa lagu moodayey.

Somalia ayaa ahayd dalkii ugu horreeyey Afrika ee iskaashi dhanka amaanka ah la gala Soofiyeetkii hore, balse waxay arrintaasi ku dhamaatay fashil kaddib markii dalka looga saaray muddo 24 saacadood ah, iyadoo aanu jirin bedel istaraatiji ahaa oo laga fikirey, iyadoo ay weli siyaasadda dibedda ee Somalia ay hadba ku shaqayso haddba dareenka ninka markaa madaxwayne ah, balse ma jiro qorshe degsan oo rigli ah.

Waxay Ruushku hadda deggan yihiin Casab, Eritrea, iyagoo doonaya inay saldhig ka helaan Somalia, wax qayb ka ah qorshohooda dib u dhalashada saamayntii caalamiga ahayd ee Ruushka.

Sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo siyaasadda dibedda Somalia, waa in la keeno hannaan iyada oo xeego la xaganayo ilkuhu nabad geli karaan oo Somalia u saamixi karta iyada oo aan laf dhuun gashay iska dhigin inay ka faa’iidaysato dheefta waddan kasta oo wax ku taraya Somalia.

Hadalsame Media