Alex Song & kooxdiisa Jabuutiyaanka ah oo la kulmay guuldarro bahdil ah

0

(Qaahira) 05 Dis 2020 – Kooxda Carta Solar, oo ah koox reer Jabuuti ah oo uu kabtan u yahay laacibkii hore ee Arsenal iyo Barcelona khadka dhexe uga ciyaarayey ee Alex Song, ayaa waxaa qabsatay guuldarro bahdil ah kaddib markii ay 9-1 dirtay kooxda Qandaraaslayaasha Carabta ee Masar oo ay isku arkeen CAF Confederation Cup.

Kooxda Al Muqaawiluun oo lugtii hore 1-0 Carta gurigeeda uga soo badisay todobaadkii tegey, ayaan lugtii 2-aad ugu naxariisanin sidii hore, taasoo ka dhigan in isu gayn ahaan lagu reebay 10-1.

Kooxda Al Muqaawiluun oo haatan usoo gudubtey wareegga 32-ka ayaa wajihi doonta kooxda reer Tunisia ee Etoile Sahel.

Laacibkan Cameroonian-ka ah ee Song, 33-jir, ayaa kooxda reer Jabuuti la saxiixday qandaraas 2 sanadood ah, waxaana markiiba loo gacan geliyey kabtannimada kooxda iyo horumarinta da’yarta ama junyarka kooxdaasi.

Hadalsame Media